Arimahaan Qalbiga Ragga Ayay Jilciyaan Ee Ku Soo Jiido

Bulsha:- Badanaa waxaan maqalnaa ragga iyo dumarka oo is eedeeya, gaar ahaanna bulshadeena Soomaalida, iyadoo mid walbaaba kan kale ku eedeynayo inuusan laheyn naxariis jaceyl, soo jiidasho macaan, kasbashada amaanta iyo arimo kaloo badan.

Waxaase muhiim ah in qof walbaabo marka hore barto shucuurta qofka uu la tacaamulayo, isla markaana uu fikir ku filan ka helo la dhaqanka iyo jaanqaadka ugu haboon ee xiliga la joogo iyo qofka uu la joogo dabcigiisa.
Hadaba maanta waxaan soo bandhigi doonaa 3 arimood oo Ragga guud ahaan, gaar ahaana ragga Soomaalidu jecel yihiin in ay dumarkooda ka helaan, balse nasiib darada jirtaa ay tahay in dumarku ay badankood ka gaabiyaan, ama qaarkood aysanba muhiimad u arag amaba dheyelsadaan ahmiyadeeda.

1- U muujinta ragganimadiisa.

Nin walbaaba wuxuu jecel yahay kuna uur fayowyahay inuu dareemo inuu nin ragga meesha ka yahay, taasoo macnaheedu tahay inuu isagu masuul kaa yahay, ilaaliye kuu yahay, amar bixiyena kuu yahay, hadaba badanaa waxaad aragta dhalinyaro badan oo Jiimka u ordaya si ay jirkooda u dhisaan, murqo kuus kuusana u yeeshaan, hadafkooduna waa in ay muujiyana ragganimadooda jir ahaaneed, midka fikir ahaana waxey ku muujiyaan guriga dhexdiisa ee ninkaada u noqo adeecdo si uu u dareemo inuu nin ragga ka yahay guriga, ( qodobkaan dumarka Soomaalidu aad baa loogu amaani jiray, balse beryahan danbe oo dad badan qurbaha galeen ayey arintani meesha ka baxday, ayadoo dumarku ay guriga ka noqdeen nin.)

2- Ku faanista wanaagiisa

Hadii uu yahay nin fiican oo ku wanaajiya, hadii caruur idinka dhaxeysana uu si fiican kuula koriyo, uuna mar walba kaa warhayo, waxaa lama huraan ah in aad ku faanto, taasina isaga kuma si abuureyso kibir iyo isla weynin sida dumarka qaar moodaan, balse wuxuu ka qaadayaa dhiiranaan iyo kalsooni kalgaceyl ku dheehan, isagoo laba jibaaraya wanaagiisa, hadiise aad xaqirto oo aadan sheegin wanaagisa, ogoow dunida ma jiro ruux jecel qof jizaar ah, ( dumarka soomaalida ayaana lagu xantaa in astaantani aad ugu yartahay, taasoo qeyb ka qaadata qalbi adeyga ragga soomaalida badankooda)
3- U ogoloow waqti gooni ah

Si walbuu kuu jecel yahay, tiro walboo caruur ah oo idinka dhaxeysa, ogoow ninkaadu kama maarmo waqti gooni ah oo uu asxaabtiisa ama howlihiisa gaarka ah soo qabsado, sidaas darteed yuusan dareemin xuriyad la’aan, ogowna marka uu dareemo xuriyad la’aan inuu si walboo suuragal ah ku raadin doono inuu xurnimo kaa 







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment