Qiso Gaaban Oo Cajiib Ah Ciidankii La Socday Dulqarneyn Iyo Webigii Aay Arkeen Waxey Kala Kulmeen..!!

Bulsha:-  Dulqarneyn ayaa markuu soo Gaaray Dhul Webi ah oo meel Magaalo ah ku yaal, ayey Ciidankiisu ku yiraahdeen:- Dhulkani waa maxay?, Dulqarneyn Hadal badan kuma uusan oran, Keliya wuxuu ku yiri:- Qofka wax ka qaata Magaaladan wuu ka Qoomameyn,, kii aan wax ka qaadanna wuu ka Qoomameyn ama Hadhow dib ayuu uga Murugoon.

Dabadeed Koox Ciidanka ka mid ahi waxay yiraahdeen: Kol haddeey isku mid tahay waxba ka qaadan meyno, Koox kale oo Ciidanka ka mid ahna midba wax buu ka Qaatay Dhulkii.

Muddo ka dib Dhulkii wey ka soo Tageen, dabadeed markay Magaalo kale ay Ciidankii yimaadeen ayey kuwii wax soo Qaatay Arkeen waxa ay soo qaateen inuu Dahab yahay, ka dib waxey ka Murugoodeen Sababta ay wax badan u soo Qaadan waayeen, halka intii kale ay ka Murugoodeen Sababta ay uga yimaadeen iyaga oo aan waxba soo Qaadan.

FIIRO GAAR AH:-
Xikmada Qisadaan ku jirto waxey tahay: Halkan waa Adduun marka waxaad hadda ka Shaqaysato ee Camal ah ayaad Aakhiro leedahay, hadaad Camal Wanaagsan ka Shaqaysato Hadhow markaad Jannada Aragto waxaad is oran Alla maxaan Camalkeyga u soo badsan waayey?, si aad u hesho Darajo Sare, laakin Hadaad iskaga Tagto adigoon waxba ka Shaqeysan Aduunyada, Hadhow waad Hoogi waxaanad ka mid noqoneysaa Dadka uu ilaahey Sheegay ee oranaaya:-

(ﺭﺑﻲ ﺍﺭﺟﻌﻮﻥ ﻟﻌﻠﻲ ﺃﻋﻤﻞ ﺻﺎﻟﺤﺂ),
oo macnaheedu yahay (ilaahoow i Celi waa intaasoon Camal Wanaagsan soo Shaqaystaaye)
Haddaba, walaal intaanad Calaacalin Maalinkaas Qiyaamaha, Fursad Hadda ayaad leedahay ee Shaqeyso oo Badi Camalka Wanaagsan.
======================================
(ALLOOW KHAATUMADEENA KHEER KADHIG)





Xigasho:- Facebook:- ApdiiLah Iprahim Mohamed



_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment