Qiso Dhacdey Oo kaa Ooyi doonta -Qabriga la qodayay arin ka dhacdey

Bulsha:- Waxaan Ognahay wax kasta oo Nafleey ah inuu dhimanaayo, hase ahaatee Bini’aadanku waxaa hubaal ah inuu Sugaayo Xisaabtan uu la xisaabtami doono Allah SW, kuwaasoo ay kala Muteysan doonaan Janno Barwaaqeysan iyo Cadaab aad u kulul.

Haddaba, Cadaabta Qiyaamaha waxa ugu soo horeeyo waa Cadaabta Qabriga, haddii uu Qofku taas ka Bad­baado inta kale wuu ka Bad­baadi, hadduu taas ku Guul dareysrana wuxuu Mudan doonaa Ciqaab aad u Kulul, Qabrigana ogoow waa kugu keligaa (Rabbigaada ka Cabso Walaal).

Haddaba, waxaa wanaagsan inaan ku Dadaalno sidii aan uga Bad­baadi laheen Cadaabtaas Qabriga dhexdiisa taala, sababaha looga Bad­baadi karana waxaa ka mid ah:­

1­ Inaan Xisaabino Nafteena, Gefafkana aan iska ilaalino.
2­ inaan Badsano Acmaasha Kheerka ah.
3­ inaan si Qaas ah u joogteyno Aqrinta Suuratul Mulk (Tabaarak).
4­ Ataxiyaatka dambe oo aan Allaah kaga Magan galno Cadaabta Qabriga.
5­ jihaadka Allaah Qofka ku Shahiida (yacni ha moodin jihaadka ay Sheegayaan Ururada hadda soo if baxay ee Danaha gaarka laga leeyahay, haba ugu horeyso Al­shabaab).
6­ Qofka Badda ku Dhinta, isna waa Shahiid.
7­ Qofka Dhinta Maalinta Jimcaha.
8­ Qofka u Dhinta Xanuun Caloosha ah.
9­ Geerida oo Mar walba Qofka Xusuusnaada. *********************** Wabillaahi Towfiiq. (EEBOOW NAXRIISTAADA NA SII).








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment