QISO CAJIIB AH. Waxaa Jirtay Haweeneey Si Baxaad Leh U Jeclayd Ninkeeda

Bulsha:- Waxaa Jirtay Haweeneey Si Baxaad Leh U Jeclayd Ninkeeda Waxay aad uga Cabsan Jirtay in Hadeey Jannada Gasho Hadduu Rabbi u qadaro ay Ninkeeda Waydo, Haweynaydaas Waxay Ahayd Umu Dar'daa Ama Xaaska Abii Dar'daa, Haddaba Abii Dardaa Waxuu Ahaa Saxaabi Weyn oo Macruuf Ah, Laguna Naanysi Jiray Kala Saaraha Umadda iyo Sayidka Qaariyada Dimishiq. 


Uma Dar'daa Ayaa u Istaagtay in ay Rabbi Barido Waxayna Tiri Sidatan:- 

Allahayow Abuu Dar'daa Wuu Isoo Doonay, Wuuna Igu Guursaday Dunida, Anigana Waxaan Kaa Dalbanayaa in aad iigu Guurisid Jannada!. Markay Sidaa Tiri Baa Abuu Dar'daa Ku yiri:- Haddii aad Sidaas Doonaysid Anigana aan Hortaa Dhinto Ha Guursan Gadaashey! ka dib Abuu Dar'daa RC, Wuu Dhintay, Umu Dar'daa Waxay ahayd Haweeney aad u Qurxoon aadna U Wanaagsan, waxaana soo doontay markiiba Mucaawiye RC, inuu Guursado Waxay Tiri Umu Dar'daa:- Walaahi Maku Guursanaayo Aduunka Inta aan Ka Guursanayo Abuu Dar'daa Janadda Insha allah.


(Haddaba, waa sidaa Jaceylka Dhabta ah Iyo Balanta Dhabta ah).




(ILAAHOOW, ZOWJAATKA MUSLIMIINTA AH U NAXARIISO, YAA RABBI).







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment