Bulsha:- Waxaa maalin is wada raacay Libaax, Dhurwaa iyo Dawaco si ay u soo Ugaarsadaan, waxeyna soo ugaarsadeen Lo’, Baciid iyo Bakeyle.
Haddaba, Libaaxii ayaa ku yiri Dhurwaagii Sidee u qeybsanaa Ugaartaan dhexdeena taal?, Dhurwaagii ayaa yiri Qeybta waxey ku xiran tahay Hadba sida loo kala Qobweyn yahay, Libaaxoow adiga ayaa ugu Qobweyn Lo’da adiga ayaa leh, anigana Dhex-dhexaad baan ahay Baciidka ayaan leeyahay, Dawacadana Bakeylaha ha qaadato.
Haddaba, Libaaxii ayaa Carooday, wuxuuna Dharbaaxay Dhurwaagii Dharbaaxo Xanuun badan oo ay kaga tirtay Isha. Haddana wuxuu Libaaxii milicsaday Dawacadii, wuxuuna ku yiri:- maxaad ka oran laheyd Arrinkaan, oo sidee baad u qeybin laheyd?.
Dawacadii ayaa tiri:- Libaaxoow adiga ayaa ah Hogaankeena iyo Boqorkeena, Bakeylaha waa Quraacdaada, Baciidkana waa Qadadaada, Lo’dana waa Cashadaada.
Kolkaas ayuu Libaaxii ku yiri Dawacadii:- Haa Ra’yigu waa Ra’yigaada, laakin Xaggee baad ka baratay Xikmadaani?, Dawacadii ayaa ugu jawaabtay:- Waxaan ka bartay Ishii Dhurwaaga
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment