Bulsha:- Bani aadanku wakhtiyo badan ayuu soo maray, laakin marna muu soo marin wakhti uu marxaladan uga fadhiisi badan yahay.
Fadhigaa badan waxa u sabab ah technology-ga cusub ee maalinba maalinka ka danbeeya soo baxa. TV, internet, game(playstation), gaadhi, xafiis, iyo waxyaabo kale oo badan ayaa nolol maalmeedkeena ku qasba in aan fadhi ku dhamaysano.
Daraasado badan ayaa lagu arkay in fadhiga badani keenayo halisyo aad u fara badan dhinaca caafimaadka oo ka mid ah wadno xanuun, naaxitaan, dhiig kar, macaan, IWM.
Daraasad ayaa sheegtay qofka laba afar saacadood iyo wax ka badan fadhiya inu 50% uga halis badan yahay inu mootul qaflah u dhinto, iyo inu 65% uga halis badan yahay inuu ku dhaco wadno xanuun.
Hadaba haday nolasheeno keenayso inaynu mudo dheer fadhino maxaa xal ah?
Samee qodobadan hoos ku qoron si aad uga badbaadid dhibaatoyinkan iyo dhibaatoyin kale:
1. Fadhiga ku jimicso. Marka 30 daqiiqo laga soo wareego adoo fadhiya isyar dhaqaaji oo iskala bixi.
2. In mudo ah markaad fadhidid kac oo yar socosoco.
3. Kursiga si sax ah ugu fadhiiso. Jidhkaaga intiisa sare iyo lugahaagu waa inay isku sameeyaan xagal 90 ah.
4. Labaatankii daqiiqo fiiri oo eeg meesha ugu fog aad eegi kartid in mudo 20 ilbiriqsi ah si aanad u dhaawacin indhahaaga.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment