Bulsha:- Ceeb ma ahan in laga hadlo arimaha qoyska waxaana faa’iido dhan walba ah ay leedahay in qof walba dhibka heystaahi uu xal u helo isagoo xalkaasi ka daabacanaya shabakada caalamiga ah Xiiso.com aqristayaal fara badan oo ku xiran shabakadan caanka ah ayaa codsaday in hibaatooyinkoda xal aan u keeno inagoo mid mid u qaadaa dhigi doona isla markaana u faa’iideyn doona aqristayaasheena.
Haweenka qaarkooda marka ay dhalaan oo ay naasahooda caanaha ka dhamaadaan waxaa dhumaya adkaanshihii markii hore uu lahaa isla markaana waxay noqonayaan maqaar oo ama balaq , taas ayaa hoos u dhigaysa in raga qaarkood damacii dhanka naasaha ka hayn jiray uu yaraado, waayo naasaha ayaa ah kuwa raaxada si weyn uga qeyb qaata wuxuuna ka mid yahay raaxada galmada iyo quruxda jirka haweeneyda.
Haweeynka qaarkood aya adeegsada kareem loogu talagalay naasaha in lagu adkeeyo laakin inta badan la iskuma halayn karo waxyaalaha kimikalka ah, maanta waxaan halkaa kaaga faa’iideynaynaa haweeneyda soomaaliyeed sida ay u adeegsan lahayd haddii ay u baahato waxyaabaha dabiici ah oo naasaha lagu adkeeyo
Qaab 1aad marka hore waxaa la isku qasaa malab iyo bur kaddib naasaha ayaa la marinayaa todobaadkii seddex jeerSaliid saytuun ayaa lagu daldaliigayaa muddo 5 daqiiqadood maalin kasta hal jeer kaddib waxaa lagu dhaqayaa biyo qandac ah, kaddib waxaad soo qaadanaysaa jab yar oo baraf ah waxaa la marmarinayaa laba naasood ilaa uu ka dhalaalo, kaddib waxaad keenaysaa tufaax oo qashar la’aan la shiiday waxaad saaraysaa labada naasood kaddib waxaad ku qubaysanaysaa biyo lagu daray koob yar khal biyaha waa inay xoogaa kululaadaan waxaad daldaliigaysaa muddo gaaraysa 15 daqiiqo, inshaa Allaah waxaad ka heli doontaa natiijo fiican.
Qaab 2aad
Geed lagu yiraahdoo afka ingiriiska (Lupin) Soomaaliduna ay u taqaan quse ayaa la shiidayaa waxaa lagu daraa caano iyo khal iyo biyaha loo yaqaano (maaul wardi) inta si fiican la isugu labo ayaa la saarayaa naasaha waxayna saarnaayanayaan mudo hal saac ah kaddib ayaa la dhaqaya
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment