Bulsha:- Mudooyinkii u dambeeyay waxaa soo batay cabashada mowduucan, dadyow farabadan oo dhibaatadan heysato ayaa ka dalbadey qorayaasha soomaaliyeed ee ka faalooda arimaha bulshada (Social Issues) iney waxka qoraan aragtidan; mushkiladan oo culeyskeeda iyo saameynta weyn leh ayaan u istaagey inaan bal wax uun aan ka diyaariyo si tusaale iyo horudhac
ugu noqoto qoraalo farabadan oo laga sameyndoono aragtidan.
Biyo-bax degdeg ah ama waxa loo yaqaano caafimaad ahaan
“Premature Ejaculation” loona soo gaabiyo “PE” waa xaalad ragga
uu ku biyo-baxo muddo labo daqiiqo gudahood ah ama waxka yar,
sida ku cad halbeega caafimaadka (Health Standard), sidoo kalena,
dumarkuna way yeelan karaan cudurkan, laakiin aad uma badna.
Ragga badankood waxay la kulmaan xaaladaan ugu yaraan hal mar
noloshooda, waxay kaloo daraasad la sameeyay sheegtay isku
celcelis muddada ay ragga ku biyo-baxaan inay tahay 5 ilaa 6
daqiiqadood sida caadiga ah (Normal Ogasm) Waxaa kaloo jira
qeexid kale oo oranaysa “hadduu ninka biyo-baxo iyadoo weli
xaaskiisa dhamaysan inuu qabo “PE””. Howsha galmada waxay u
baahantahay inuu jiro Rabitaan (Lipido), Kacsi (Arousal) iyo Biyo-bax
(Orgasm), haddii saddexdaas mid la waayo hawlgab ayaa jiro. Maxaa keeno biyo-bax degdeg ah?
HALKAAN KA DAAWO MUQAALKA
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment