Gabar Soomaali ah oo qiyaano xanuun badan kula kacay wiil dhallinyaro (Aqriso Qisada)

Bulsha:- Dhacadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Cali iyo Tufaax, Cali ayaa ka sheekeeyay dhacdadaan.

Waxaan ku dhashay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, sanadka markuu ahaa 1983-kii, warxbarashadeyda dugsiga hoose dhexe waxaan kusoo qaatay isla degmada Caabudwaa, halka dugsigeyga sare aan kusoo qaatay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya

Horeyntii sanadkii 2007-dii ayaa waxaan imid dalka Koonfur Afrika, halkaa oo aan iminka ka xamaasho, sidoo kale Tufaax ayaa waxaa isku baranay isla wadanka Koonfur Afrika, xilligii aan Tufaax baranaayay ayaa waxaan bartay iyadoo aad u dhiban, isla-markaana waxay xilligaasi Tufaax aheyd Marwo la-qabo, muddo kadib ayuu ninkii furay, sidoo kale waxay heysatay gabar yar oo ay u dhashay ninkii horey u qabay.

Ninkii Tufaax qabay wax biil ah muusan siin jirin gabadhii yareyd ee u dhashay, hase ahaatee waxaa Tufaax siiyay garab wanaagsan, ilaa aan maxkamad soo taagno ninkii ay u dhashay gabadhii yareyd, nasiib wanaag maxkamaddii ayaa waxay ninkii ku amartay inuu bil walba gabadhiisa yar biil siiyo, bacdamaa uu yahay nin shaqeysto, isla-markaana ay gabadha yar ku leedahay xaquuq.

Mar walba Tufaax waan caawin jiray, iyana waxay i dhihi jirtay “walaalow waxaan kuugu abaal gudo ma’aqaan, balse waxaa filaayaa inaan kuugu abaal gudi karo oo kaliya nafsadeyda”hase yeeshee mar walba waxaan dhihi jiray waxaas waa caadi oo waan isku lee-nahay.
Muddo kadib ayaa waxaa Tufaax u qaaday jaceyl, balse maanan u sheegan jirin oo waan kala xishoon jiray, hase ahaatee xilli dheer kadib ayaa waxaa Tufaax u sheegtay inaan jeclahay, oo welibana aan u sheegay inaan ka doonaayo mustaqbal, sidoo kale Tufaax ayaa waxay igu soo dhaweysay weji wanaagsan, iyadoo igu tiri “nin kaa wanaagsan oo aan maanta guursan karo majiro Cadde”

Tufaax ayaa waxay igu tiri “waxaan doonaayaa xooggaa qarashaad ah oo aan iskugu soo kaa diyaariyo” halka aan aniga faraha ka wada saaray wixii qarashaad ahaa oo aan ugu talla galay” hase yeeshee Tufaax ayaa waxay lacagtii ka dhigatay mid ay ku baxsato, iyadoo aaday meel aanan garaneyn, waxaana muddo kadib soo ogaaday inay aaday gobol aad iga fog.

Waxaan la-ciishooday sida aan u wanaajin jiray iyo sida ay iila dhaqantay, waxaana iska dhaadhiciyay inaysan dumar oo dhan faa’iido laheyn, hadaba akhristoo tanoo kale haddii ay kuugu dhici laheyd dabcan xanuunka waad dareemi kartaa.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment