Bulsha:- waxaa jira waxyaabo badan oo dadajiya ama saacida soo bixitaanka finanka wajiga ama acne waxaana ka mid ah daawooyinka qaar, heerka hormoonnada qofka, bakteeriyo, qanjirrada finanka oo aad u shaqeeya iyo diiqada (welwelka iyo fekerka).
Nadaafadda waxay dowr weyn ka ciyaartaa furidda afka qanjirrad saliidda ee xirmay si aysan finan cusub u samaysmin.
Acne waa dhibaato ay ka sheegtaan in ka badan 85% dhalinyarada mana ahan cudur halis ah, dhibaatada ugu weyn uu keeni karane waa wajiga oo haaro yeesho, dhaawac nafsaani ah, niyad jab iyo ka go’idda bulshada (tanoo u badan gabdhaha).
Hadaba qurbo magazine maanta waxaan halkaan idin kugu soo bandhigayaa todobo cunto oo wejiga ka ilaaliya finanka (Acne).
biyaha
Biyaha: Cabitaanka biyaha wuxuu jirka ka sifeeyaa sunta, wuxuuna kaalmeeyaa bixinta haraaga aan jirka u baahneyn sidoo kale waxa u dhalaaliya maqaarka jirka. Cab ugu yaraan 8 galaas oo biyo ah maalin kasta si maqaarka jirkaagu u noqdo mid iftiimaya.
shaaha cagaaran
Shaaha cagaaran: caleenta shaaha cagaaran waxay leedahay faaidooyin badan waxaana ka mid ah nidaaminta sonkorta dhiiga, waxayna maqaarka ka ilaalisaa finanka.
kalluun
Kalluunka: malaygu ama kalluunku waxa uu ka mid yahay cunooyinka wejiga ka ilaaliya finanka waayo waxa uu hodan ku yahay maadada Omega 3 Fatty Acids taasoo la dagaalanta caabuqa.
qaraha
Qaraha: qaruhu wuxuu ka hortagaa cudarada ku dhaca maqaarka oo uu ka mid yahay findoobku (acne) waa sida ay xaqiijiyeen darasado la sameeyay.
yogurt
Yogurt: Iyadoo inta badan waxyaabaha caanaha laga sameeyo ay u xunyihiin finanka hadana Yogurt-ku waxa uu ku jira cuntooyinka ugu wanaagsan ee la dagaalamada Acne waayo waxa ka buuxa protein-ka maqaarka jirka dayactira.
qajaar
Qajaarka: qajaarku wuxuu ka koobanyahay fitaamino badan oo aad ugu fiican maqaarka, wuxuu qabto waxaa ka mid ah inuu ka hortago wrinkles-ka iyo inuu bi’iyo meelaha cuncunku ku dhaco, maqaarkana wuxuu siiyaa dhalaal, nadaafad iyo qurux.
carrot
Carrot: Kaarootada waxay qani ku tahay Fitamiin A kaasoo kaalin weyn ka ciyaara furidda afka qanjirrad saliidda ee xirmay si aysan finan cusub u samaysmin.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment