Dhowr Arimood Oo Dheereyn Karo Ama Sababi Karo In Jaceylkaaga Uu Dhamaad Yeelan Xiliga Guurka Kadib.

Bulsha:- Gabar yahay ma dooneysaa in aydnaan ninkaaga kala gaboobin, dumar kalena uusan kula guursan?. Haddaba waanadeydaan yeel:

– Guriga uga dhig janno uu ku raaxaysto inta uu joogo, una soo xiiso inta uu ka maqan yahay, hana uga dhigin cadaab uu ka doonto meel uu uga cararo.

– Dhoolacaddeyn iyo weji furnaan ku salaan kolka uu guriga soo gelayo, sidaana kula joog ilaa uu ka baxayo. Dhibaato kastoo ku
haysatana dhoolacaddee.

– Kala qaybgal murugadiisa iyo mashaakilaadkiisa, iskuna day inaad mar waliba ka farxisid, si uu u illaawo daalka uu la soo kulmo inta uu kaa maqan yahay.

– Isku day inaad samaysid waqti adiga iyo ninkaagu hadal macaan iyo haasaawe aad is weydaarataan dhowr daqiiqaba ha ahaatee.

– Marmar hadiyad u keen haba qiimi yaraatee.

– Kala qaybgal hiwaayadihiisa hana ka daalin, ogowna in naagta caqliga badani ay tahay ta taqaan waxa uu duqeedu jecel yahay.

– Isku day inaad alaabada guriga taal iyo qaabka ay u dhigan yihiin wax ka beddeshid hadbana dhinac ka soo jeedisid, daahyo nafta soo jiita iyo ubaxna ku qurxisid. Mar waliba gurigaagu ha ahaado mid qurxoon, nadiif ah oo nidaamsan si uu ninkaagu ugu nasto.

– Isku day inaad marmar wax ka beddeshid muuqaalka jirkaaga iyo dharkaaga, isuna qurxi oo isu dhis si aanu dumar kale u dhugan.

– Ugu yeer magac jacayl iyo erayo nafta soo jiita.

– Ku qanac intii Eebbe kuu qoray, dushana haka saarin wax aanu qaban karin, hana uga sheekeyn waxa uu walaashaa ninkeedu u keeno iyo waxa aanu u keenin.

– Wax kasta oo uu ku yiraa ka yeel aan ka ahayn dembi aad Eebbe ka gashid, maxaa yeelay haddaad dhimato asagoo raalli kaa ah waxaad tahay ehlu-janno.

– Been ha’u sheegin ninkaaga, ogowna in hadduu been kugu ogaado shakiguu kaa qaadaa aanu weligii ka baxaynin.

– Meel uu xumaan kugula malayn karo ha is dhigin, wax kastoo shaki iyo in laga sheekeeyo keeni karana ka fogow.

– Ha badsan ka bixitaanka guriga, ogowna hadduu maanta kuu sabro inaanu berrito kuu sabri doonin.

– Iska ilaali taleefannada badan, ninkaagu ha joogo ama yaanu joogine.

– Xusuusnow ballamada uu dadka kale la leeyahay, xusuusina.

– Ku mahadi wuxuu ku siiyo haba yaraadeene, maxaa yeelay Eebbe ma eego naagta aan ninkeeda ku mahadin.

– Xiriiri una roonow ehelkiisa iyo qaraabadiisa, kalana qaybgal faraxooda iyo murugadooda, si uu isna ehelkaaga iyo qaraabadaada u xiriiriyo.

– Ha u ammaanin ehelkaaga, hana u cayn ehelkiisa, waxaa laga yaabaa inuu kuu dhaafiyo ereyo ku dhaawaca eh.

– Ku kaalmee arrimaha Diinta sida Soonka iyo Sako bixinta, una toosi oo xusuusi waqtiga Salaadda.

– Kula noolow ninkaaga waqtiga la joogo suu yahay, hana baarbaarin wuxuu taariikh soo maray, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa inaadan ku farxin.

– Ha u ammaanin gabar saaxiibtaa ah, yaanu kaa raacine.

– Ha u ammaanin nin kale, ma jecla inaad ammaanto nimaan asaga
ahayne.

– Iska ilaali masayrka badan, masayr waa dab eh, ogowna hadduu dillaaco dadkuu gubayo adaa ugu horreyn doona eh.

– Xanaaq iska ilaali, ninkaagana ka ilaali, intuu kuu galo wuxuu kuu geystaa kaaga badan eh.

– Haddaad tahay naag nin hore soo furay, iska ilaali ereyada ay kamidka yihiin “Ninkeygii hore saa ima yeeli jirin, waxaa ima siin jirin, waxaa iima diidi jirin, iwm.”.

– Hadduu ninkaagu danyar yahay adna daaro dhaadheer ku noolaan jirtay, marnaba iska ilaali inuu kaa dhadhamiyo ereyo abaalsheegad ah sida adiga oo xusuusiya raaxadii aad ku noolayd intaanu ku guursan ama xoolo kuwaaga ah ood siisay aad ugu abaalsheegatid, maadaama ereyada caynkaas ahi ay raganimadiisa iyo karaamadiisa dhaawacayaan.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment