Haweeenka Quruxda Badan Oo La Ogaaday Inay Ka Xanaaq Badanyihiin Dumarka Kale

Bulsha:- Cilmi Baadhis cusub oo la sameeyey ayaa lagu ogaaday in dumarka isku haysta inay qurux  badan yihiin ay  ka cadho badan yihin kuwa kale

Cilmi baadhistan oo ay samaysay Jaamacada California ee wadanka maraykanaka  ayaa wareysi ka qaaday ku dhawaad 156 Gabdhaha ardayda ah ee dhigta Jaamacada iyadoo la waydiiyey heerka cadhadooda iyo sida ay u maareeyaan khilaafaadka.

Daraasadan ayaa heshay in dumarka aaminsan inay qurux badan yihiin ay si cadho leh uga jawaabaan Khilaafaadka jira halka kuwa iyagu isku haysta inaanay sidaa u qurux badnayni ay xaalad daganaansho ah ku wajahaan muranada.

Daraasadu waxay heshay in Dumarka isku haysta inay qurux badan yihin ay leeyihiin rajooyin sar sare iyagoo aaminsan inay helaan waxay u qalmaan.

Dr Aaron Sell oo isagu hogaaminayey Daraasadan ayaa sheegay inay xataa kala duwan tahay qaabka dumarku u qiimeeyaan Quruxda

Dr Sell wuxu sheegay in tani tahay hor dhac oo loo baahan yahay Daraasado intaa ka badan si loo ogaado dabeecadaha kala duwanaanshaha dumarka.

Daarasadan oo ah tii ugu horeysay ee nooceeda ah ee qiimeysa isku xidhnaanshaha Quruxda iyo Dabeecada ayaa lagusoo bandhigay Xarunta National Academy of Sciences








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment