Bulsha:- Waa arin adag in aad qaadato go`aan aad uga hareyso qofka aad jeceshahay hadaba ma dooneysaa haddii uu jiro go`aan noocaan ah oo aad qaadatay in aad iloowdo xasuusta jaceylkaas ? daajis ayaa talo kuu haysa .
1- La Nooloow Qasaarada : Waa dhab qalbigaada waxa uu la noolaanayaa xanaaq , murago iyo fajac marka aad weyneyso qof ku weynaa qalibigaada , u ogaloow qalbigaada in xaaladdaas nasfsiyinka ah maro , Ooy , Xanaaq , Jiifo Maalmo isku xiga oo sariirta saarnoow , soo daadi soo quf dhamaan muragada iyo rajo beelka ku haya si aad u soo kacdo adoo caafimaad qaba .
2- Qaado Go`aanka Aadan Xariir Kula Sameyneyso : haddii dhab ay kaa tahay oo aad dooneyso in aad ka taqalusto jaceylkaas dhamaan jar xariirada , ha maqlin codkiisa/codkeeda , ha daawan sawirkiisa/sawirkeeda , iska tir tir waxii fariimo qoraaleed ah oo taleefanka kugu jira si aad awood ugu yeelato in si tartiib ah uu uga baxo maskaxdada xasuustiisa/xasuusteeda.
3- Ka Fogoow La Kulanka Saaxibadiisa : tani waxa ay kaa caawineysaa in aadan maqlin wararkiisa ama aadan soo xasuusanba maalmihii wanaagsanaa ee aad soo marteen.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment