Gabadh Ku Weysay Caqligeeda iyo Maalkeedi Sixir uu Sixray Wiil Ayada Jeclaa

Bulsha:- Nasro Xaaji Geedi waxa ay aheyd gabadh si wanaagsan looga yaqaan degaanka Afgooye, waxa ay halkaasi ku leheyd goob ganacsi ah, wiil ka mid ah macaamiisha dukaankeeda ayaa waxa uu u soo bandhigay in uu ayada jecel yahay, basle Nasro ayaa ku gacan seertay in ay aqbasho dalabka wiilkan.

Nasro oo caanka ah deegaankaasi sificana looga wada yaqaano, ayaa waxa ay sabab ugu dhigeysaa diidmada codsiga ka yimaaday wiilkan, cabsi zaa'id ah oo ay ka qabto qoyska wiilka uu ka soo jeeda, kuwaasi oo caanku ah waxyaabaha "Qoraafaadka" ah iyo sixirka, waxa ayna u baqatay nafteeda iyo maalkeeda.

Wiilkii ayaa isna waxa uu ku dhaqaaqay, kadib markii uu hanan waayay qalbiga Nasro in uu isana ku kaco fal aarsi ah oo awalbo ay ka baqaneysay gabadha, waxa uu isku dayay in uu sixro gabadha isagoo waxyaaba uu isku soo dardaray ku firdhiyay gabadha dukaankeeda , kadibna sida uu rabo uu ka yeesho dukaankii iyo gabadhiiba.

Nasra ayaa hada waxa ay la il daran tahay falka sixirka ahaa ee uu wiilkaasi kula kacay iyadoo miir ahaanba doorsoontay, halka dukaankiina uu ka dhigay mid faaruq ah maalkeediina sidaasi uu ku baabi'yay.

Dadka deegaanka oo la soo xiriiray xafiiska Hablaha Media Network ee magaalada Marka caasimada Gobolka Shabeelada hoose, ayaa  ku waramayaa in dhibanaha loo lacaray magaalada muqdisho si looga dabiibo sixirka soo ritay, iyadoona si khaas ah loogeeyay xarumaha Qur'aan Saarka magaalada Muqdisho kuwooda caanka ah.

Hablaha.com







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment