Bulsha:- Marka Hore Iga Hano Salaan Hufan, Oo Heybad Wacan , Laguna Milay Udgoon Ka caraf badan Miskiga iyo Riixaanta, Lagana soo Hagay Qalbi Huwan Caashaq, Laheynna Xiqdi Iyo Xummaan Dhankaada ah.
Salaan Loo Hibeeyo Ruux Mudan, Makaan yeelatay Laabteyda, iyo dhammaan Oogada Jirkeyga, una ah Hoggaanka Maskaxdeyda Iyo Hankeygaba.
Salaan Qiimo , Qaayo, Iyo Qadarin Mudan Kadib;-
Ma Ogtahay Adduunyada
Aadmiga Dhax joogee
Ku barbaarshay Eebaan
Daggan Kaa Ishaartee
Axdigeynu dhiganana
Waaniga Adkeeyoo
Ku Idleeyay Uurkee
waligaa Ogsoonow
Ifka Itaad Ku Nooshahay
muran iyo Asraariyo
Inanyahay Wax noodaran
Ka Ogow Jaceylkani!?!
Waa Dhab In Aan Ku jacelahay, kugu dhaato, oo aaD igu Dheertahay, Leyl iyo dharaarna Kugu dhadhabo , dhankaad Iga jirtana Dabeyluhu Ii Jiidayaan, dhawaqaada Markii Aan Dhageysto Waxaan Dareemaa Naxariis quto dheer, Mararka Qaarna Waa DHuuniga Kaliya Oo Aan Dheefsado, Lkn Waxaa Dareemayaa Mudooyinkan Habacsanaan Ku saabsan Hanaan socodkeena Jaceyl, Ma Dareemi Karo dulucda Uu Asraartan Inoo dhaxeyso, Mana Aha Mid aan Dhaliisha Iska Jeedinayo, Ee Waa Wax Gubayo dhuuxa Lafahana Sabab U noqday In Ay Garaactamaan, Balse Waa Muran Hantaaqo Bilow ah.
Labo Caashaq dheefsaday
Isku Dhaato Waligood
Dhuuniga Wadaagoo
Dhalanteedka iska jiro
Mid Hadduu dhaqaaqoo
Dhoof Meesha soo galo
Muddo Aanan Dheereyn
Maxaa Dhaawac keenoo
Dheeliyay Jaceylkii
Shalay Dhaarta Loo maray!!?.
Ogow Gacaliso Koboca iyo Kool-koolinta Jaceylka Waxaa Gundhig U ah Kalsooni Lagu Hirto, Iyo In Meesha Laga saaro Dhammaan Wax kasto oo Abuuri karo Hiirtaanyo, Iyo beer dilaac Sabab U Noqda In Lakala Irdhoobo, Ku Aaminaye Igu Dhaaro, Xamaha Liidaye , Iga daa Ilaaqa, Nafta Kuu Hilowday, Ii Hagar bax, Mar kastaba Cadaw Yuu Nakala Iilin,,,,, Si Kastaba Xayaati ILOVE YOU!!!
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment