Bulsha:- Jaamacadda Moi ee Magaalada Nairobi, ayaa waxay toddobaadkan soo bandhigtay daraasad ka warameysa dhibaatooyinka ka dhalan kara cunista qaadka. Gaar ahaan qaadka ka baxa dalkaasi Kenya.
Daraasadda, ayaa waxaa lagu sheegay in qaadka oo aad loo cunaa uu sababo dhibaato ku timaada awoodda ragga, gaar ahaan marka ay noqoto dhinaca galmada, wadno xanuun, dhiikar iyo cuduro kale oo ay ka mid yihiin in uu saamayn ku yeesho muuqaalka dadka.
Daraasadaan oo inta muddo ahba ay sameynayeen saynisyano wax ka dhigga Jaamacadaasi, ayaa waxaa kaloo lagu cadeeyay in qaadku uu u muuqdo mid halis ku ah nolosha bulshada.
Saynisyahanadan, ayaa waxaa laga xigtay in qaadka oo aad loo cunaa uu is bedel ku sameeyo dabeecadda dadka, iyagoona ka dhexla carro iyo buuq badan. Sidoo kalana waxay xaqiijiyeen in qaadku uu sababo xanuun dhinaca maskaxda ah.
Qaadka ugu badan ee ka baxa Kenya, ayaa suuqa ugu weyn ee loo iib geeyo waxaa weeyaan Somaliya, waxayna sanad kastaa Kenya ka faa’iiddaa boqolaal milyan oo lacagta Mareykanka ah.
Britain oo ahayd suuqa ugu weyn ee loo iib geeyo qaadka Kenya, ayaa sanadkii hore dalkeeda ka mamnuucday cunista qaadka, ka dib markii daraasado lagu ogaaday in walxaha maanka dooriyaa, ay ku laban yihiin qaadka.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment