Bulsha:- Qorshaha cusub ee uu Maamulku kula dirirayo Cayilka ayaa wuxuu noqday mid Dadka loogu balan qaadayo Abaal-marin Dahab ah hadii ay yareeyaan Culeeska jirkooda.
Qof kasta oo Muddo Bil gudaheed ah Jirkiisa uga dhima Laba Kiilo oo Culees ah wuxuu helayaa Qayb Dahab ah sida ku cad Ololahan lagu yareeynayo Cayilka ee loogu Magac daray Culeeskaaga oo Dahab ah.
Halkii Kiiloo-garaam (Kgm) oo Culees ah marka uu Qofku Jirkiisa ka dhimo wuxuu helayaa Hal Garaam (gm) oo Dahab ah, iyadoo Geba gebada Ololahanina ay Saddex Qof oo Magacyadooda Qori-tuur lagusoo xulay ay noqon doonaan kuwo mid kastoo ka mid ahi uu ku guuleeysto Dahab Qiimihiisu gaarayo 20 Kn oo Dirham.
Dadka doonaya inay Ololahan ka qayb noqdaan waa inay Goobaha Guud ee Dubai ku yaala marka hore iskusoo miisaamaan, iyadoo howshanina ay bilaaban doonto Maalinta Jimcaha ee soo socota.
Maalinta u dambeeysa Ololaha oo noqonaysa 16-ka August ee inagusoo socota waxaa Ka qayb galayaasha oo dhan qasab ku noqonaysa inay Goob joog ahaadaan
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment