Daawo:- Lamaane 77 sano kadib ku guuleystay Jaceylkooda isna guursaday iyagoo 90 jir ah

Bulsha:- Caalamka ayaa waxaa soo maray sheekooyin xiiso leh oo ku saabsan arrimaha Jacaylka, waxaana sheekooyinkaa kamid ahaa tii Qeys iyo Leyla,Cantar iyo Cabla halka dalkeenana ay caan ka ahayd sheekadii jacaylka ee Cilmi Boodhari iyo Hodon.

Hase yeeshee dalka Turkiga oo ah wadan sheekooyin badan oo Jacayl ah laga soo weriyo ayaa mid ka mid ah sheekooyinkaa waxaa ka mid ah sheeko wiil iyo gabar iyagoo yar ay waalidiintood isku diideen oo markii dambe is guursaday 77 sano kadib.

Sanadkii 1938 tuuloyar oo lagu magacaabo kahramanmaraş kuna taal Koofurta Anatolia ee dalka Turkiga, ayaa Mustafa Kara oo markaas ahaa 15 sano jir waxaa haleelay jaceyl uu u qaaday gabar la oran jirey  Dondo Kirash oo iyadu markaas ka weyneyd 3 sano.

Mustafa oo maalinba maalinka ka dambeeyo uu kusii xoogeeysanayay Jaceylka Dondo, ayaa waalidkiisa u sheegay inuu doonayo in loo guuriyo Dondo Kirash,, laakiin dalabkiisa waa laga diiday waana uu niyad jabay. Waxana uu go’aansaday in uu ku biiro Ciidamada Milatariga si uu ugu iloobo jacaylka uu u qaaday Dondo.

Afarsano kadib markii uu ciidamada ku biiray, Mustafa ayaa ku laabtay Tuuladii uu kasoo jeeday, waxaana uu raadiyay gabadhii uu jeclaa ee Dondo, balse nasiib xumo waxaa loo sheegay ineey guursatay oo ay reer yeelatay, waxaana uu go’aansaday inuu isaga haajiro tuuladiisa, waxaana uu u wareegay magaalada GOXON si uu nolol cusub halkaas uga bilaabo, halkaas ayuuna ku guursaday kuna dhalay carruur.

Waxaa macquul ahayd in Qisada halkaas ku dhamaato, sida Qisooyin badan jaceyl oo ku dhamaaday murug iyo xanuun, laakiin Qadarta ALLE ayaa ahayd mid u qarsan Mustafa iyo Dondo, waxaana dhacay wax aysan fileyn labadoodaba.

Hoyga Cajuusooyinka:

Xaaskii Mustafa waa dhimatay caruurtiisana waa koreen, waxaana loo wareejiyay dhismo lagu xanaaneeyo dadka da’da ah, maalmihiisi ugu horeeyay ee uu dhismaha ku sugnaa ayaa waxaa usoo dhawaatay Haweeneey iyadana duq ah oo meesha loo keenay in lagu xanaaneeyo, waxayna ku tiri “Mustafa maxaad halkaan ka sameyneysaa?”.

Mustafa oo la yaaban ayaa fiiriyay uguna jawaabay..”kuma aqaan qofmaa tahay?”.

Dondo ayaa ugu jawaabtay: “Waa aniga Dondo miyaadan I garaneyn?”.

Halkaan ayay markale ka bilaabatay sheekadooda, labadan Mucaashaq ee gaboobay ayaa is dhaafsaday sheekooyinka 77 sano ee ay kala maqnaayeen, waxaana qofba qofka kale uu isku dayay inuu ka qafiifiyo dhibkii iyo rafaadkii ay soo mareen.

Mustafa iyo Dondo ayaa ugu dambeyn isku raacay ineey is guursadaan, laakiin go’aankooda hadii markii hore ay ka soo horjeesteen waalidkii dhalay, markaan waxaa ka soo horjeestay Caruurtii ay dhaleen.

Waxay isku dayeen ineey baxsadaan:

Dondo ayaa ku dhibtootay mucaaradada ay kala kulantay caruurtii ay dhashay in badan ayayna iska ilmeyn jirtay, waxayna Mustafa marwalbo ku dhihi jirtay “Iga kaxeey meeshaan” “Iga badbaadi halkaan”.

Mustafa oo u dulqaadan waayay murugta haysa gacalisadiisa ayaa isku dayay inuu la baxsado xili habeen ah, laakiin Ilaaladii dhismaha lagu xanaaneeyo Duqoowshinka, ayaa kashifay arrinkooda oo ogaaday.

Maamulihii dhismaha ayaa u yeeray Mustafa iyo Dondo, waxaana uu u sheegay in wixii ay sameeyeen aysan ahayn wax wanaagsan, laakiin Mustafa ayaa ku yiri “Hadaan la ii guurin Dondo waan la baxsanaa mana haysto go’aan kale.

Duqa magaalada GOXON oo ay gaartay Qisada Mustafa iyo Dondo, ayaa la qiirooday go’aansadayna inuu soo faragaliyo arintooda, waxaana uu ku guuleystay in caruurtii ay dhaleen Mustafa iyo Dondo uu ku qanciyo in laysu guuriyo .

Ugu dambeyn sugitaan soo socday 77 sano ayaa waxaa is guursaday Mustafa iyo Dondo, waxaana loo wareejiyay guri gaar ah oo loo diyaariyay, waxayna da’dooda hada dhaaftay 90 sano.





Jowhar _______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment