Cunista Hilibka Digaagu Faa’ido Intee Leeg Ayuu U Lee Yahay Caafimaadka ?

Bulsha:- Digaaga dabiiciga ah wuxuu leeyahay faa’idooyin badan oo ay ugu horayso in laga helo borotiin badan, kaasoo muhiim u ah korriimada murqaha iyo seedaha bini’aadanka.

Waxaa kaloo borotiinka digaaga laga helo ku badan nooca loo yaqaano “Typtophan” oo ah mid waxtar u leh niyadda qofka, waxaa la arkay inuu hoos u dhigo diiqada iyo welwelka maadaama uu borotiinkas sare u qaado dheecaan ay maskaxdu soo dayso oo loo yaqaano “serotonin”, sidaas daraadeed, waxaa la dhahaa: Cab maraq digaag haddii aad welwelsan tahay.

Borotiinka waxaa kaloo ka mid ah nooca loo yaqaano “Homocysteine” oo muhiim u ah caafimaadka wadnaha.

Waxaa kaloo hilibka digaaga laga helaa maadada loo yaqaano “phosphorus” oo faaido ugu jirto ilkaha iyo lafaha bini’aadanka iyo shaqada beerka, kilyaha iyo neerfaha.

Waxaa kaloo digaaga laga helaa maadada loo yaqaano “selenium” oo muhiim u ah shaqaynta hormoonada jirka khaasatan kuwa uu soo daayo qanjirka dhuunta ee thyroid-ka loo yaqaano.
Waxaa kaloo hilibka digaaga ka buuxo fitamiinka nooca loo yaqaano “B6″ kaasoo muhiim u ah caafimaad xididada jirka.

Waxaa kaloo ku jira fitamiinka loo yaqaano “Niacin” oo alle ka dhigay ka hortag kansar si dabiici ah.

Hilibka digaaga waxaa ka buuxo maadada loo yaqaano “Retinol, Carotene iyo Lycopene” oo kulligood laga wada keenay fitamiinka A, muhiimna u ah caafimaadka indhaha.

Beerka digaaga waxaa laga helaa vitamin-ka B2 oo muhiim u ah caafimaadka maqaarka, wuxuu ka hortagaa dildillaaca maqaarka iyo faruuryaha ku yimaado.

Digaaga la warshadeeyay ama la buufiyay ama la kiimikeeyay, uma roonaa caafimaad ahaan, tayada nafaqo ee laga helane la mid m ahan digaaga dabiiciga ah, waxaa kaloo la xaqiijiyay digaaga gacan rimista ah inay gudbin karaan cudurrada faafa qaar ka mid ah.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment