Aqriso:- 5 Wax Yaabood oo Niyad Jab weyn ku haya Dumarka DABADA u weyn

Bulsha:- Waxaa aalaaba la arkaa in raggu amaanaan, kana helaan dumarka gadaal u weyn, ayadoo nin walbaaba hadii la weydiiyo sababta, uusan si saxa uga jawaabi karin, balse uu kuu caddeynayo in ay uun iska wanaagsan tahay haweeneyda dabada u weyn, ishuna ay la dhaceyso.

Si kastaba, haba la amaano, ragguna haka daba hutiyaano haweenka gadaal u weyne, ma ogtahay in ay jiraan arrimo dhibaato ku haya haweenka gadaal u weyn, oo sababaya in aysan iyaga qudhoodu ku faraxsaneyn miisaanka gadaal ka saaran, maalin walbana ku abuura cuqdad hor leh.
Hadaba Xiiso Online ayaa kuusoo bandhigeysa 5 dhibaato oo ay qabaan haweenka gadaal u weyn, ayna jeclaan lahaayeen in laga bedelo, anagoo raacineyna sawiro daliil u ah arimahaan, arimahana waxaa fahmi kara oo kali ah haweenka nuucaan ah.
Marka haweeneyda gadaal u weyni ay meel bulsha badani joogaan is dhahdo ku sateecso, ceebtaan ayey ka dhaxashaa.


Marka ay koox asxaab ah sawir xusuusa la gasho, isha dadku sawirkeeda unbeey abaartaa, cuqdad ayeyna ka qaadaa haweeneyda nuucaan ahi.


Marka dadku baranayaan, wejiga ayagoon ku mashquulin ayey gadaal ishoodu qabataa, taasna waxaa ka dhasha faduulin iyo is dhibsi, haweeneyda gadaal u weyna durba waxey dareentaa in lagu xadgudbey.


Marka ay meel jaran jaro ah, ama dalcad ah koreyso, marnaba ma jeclo in gadaasheeda uu qof socdo, ayadoo dadka gadaal ka marta ama si boobsiis ah ku korta meeshaas.


Si walboo ay dhar fiican oo ku dhegan jirkeedana soo saaraya u xirato, dharkaasi ma noqdaan kuwa waara, waxa ayna durba noqdaan calal (kuwa duugooba) ayadoo badanaa u baahata dhar cusub.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment