Aktarka Caanka ah ee Salmaan Khan oo lagu Riday Xukun adag oo Xabsi + xog iyo sawiro

Bulsha:- Waxaa Maanta Xukun Xabsi Shan sano ah lagu riday Aktarka Salman Khan oo mid kamid ahaa Aktarada ugu caansan Dalka Hindiya ,kadib markii lagu helay dambi ah in uu gaari ku dilay Nin Darbi jiif ahaa.

Aktarka Salman Khan oo hada ah 49-Sano jir ayaa lagu helay dambi la xariira in Magaalada Mombai uu gaari ku jiirsiiyay sanadii 2002-dii Nin Darbi jiif ahaa, waxaana Salman Khan lagu eedeeyay in xiligaasi uu gaariga waday uu cabsanaa.

Mr Khan ayaa sheegay in darawalkiisa uu eedda lahaa , balse dhowr goobjooge oo siyaabo kala duwan loo wareestay ayaa sheegay in jilaaga uu waday gaariga dilka geestay , kana cararay goobta markii shilku dhacay.

Xukunka Xabsiga Shanto sano ah ayaa la sheegay in Aktartaka ku caan baxay Filimaanta Hindiga kana tirsan Bollywoodka uu Racfaan ka qaadan karo Xukunka Maxkmadu ku riday.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment