4 qodob oo rabitaanka haweenka lagu fahmo ayagoon hadlin!!!!( Sirta Dumarka )

Bulsha:- In aad dhex gashid maskaxda dumarka ayaa waxa ay kaaga baahan tahay dadaal farabadan, hase ahaatee waa ay mutaysatay dadaalkaas waayo hadii aad sidaas samaysid si yaroo fudud ayaad ooridaada uga dhigi kartaa mid faraxsan, adigana kaa farxisa.

Hadaba si aad u garatid waxa ay ku fikirayso xaaskaadu iyo waxa ay rabto waa in aad ogaataa tallaabooyinkan 4ta ah ee aan kuu sharixi doono.

Ogow in aanay iyada lafteedu garanayn waxa ay rabto waqtiyada qaar: Sidaas awgeed ayaa waxa laga yaabaa in aad fahmi waydo bilawga, dumarkuna isku mid maaha sida aanay raguna iskugu mid ka ahayn sidaa darteed kaliya dadaal iyo waqti unbaad ku fahmi kartaa gacalisadaada.


Si Fiican U Dhagayso: waxaad u dhagaysataa si aad u wanaagsan adiga oo adeegsanaya dhagahaaga iyo dareemayaashaada kale, waayo waxa ay wax kuu sheegi kartaa iyada oo aan adeegsan afka balse adeegsanaysa luqada Jirka (Body Language) sidaa awgeed waa inaad fahantaa waxa ay uga jeedo kalmad kaste oo ay leedahay iyo xarakaad kasta oo ay sameyneyso marka aad ka hadleysaan mowduucyada muhiimka ah.
Marnaba ha malaynin iyada wax ku saabsan: hase ahaatee waydii waxa aad garan waydo, waxa laga yaabaa in aanay ku siin jawaab kugu filnaata laakiin iskuday way mudantay.

Kool koolin iyo kasbasho: Si ay xabiibtaadu wax kaste kuugu sheegto waa in ay agtaada amaan iyo kool koolin badan ka dareentaa, marka waxaad ku dadaashaa in aad dareensiiso amaan iyo suureyn kalgaceyl ku saleysan inta aanaad ka filan inay kuu waranto,

waana tallaabada ugu muhiimsan sababtoo ah gabadhu markay afkaada amaan macaan ka hesho dhaqankaaduna noqdo mid iyada u jilcan oo suuro iyo dalacin dareensiinaya wax kaste way kuu sheegi doontaa, wax walbana wey kuu sameyn doontaa, waxa aad la hadli doontaa si toos ah maskaxdeeda, waana tallaabada ugu fiican hadii aad rabto inaad qalbigeeda ku guulaysato.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment