Waa Maxay Maseeyrka (Ma Jaceylbaa Tolow Mise Waa Kibir??)

Bulsha:- Waa shey ilaahay ku abuuray qofkasta sida waxyaabaha qaar ee bini aadamka lagu uumay Laakin waxaa jira qof Maseyrkiisa Macquul yahay iyo qof dhaafaya xadkii loogu tala galay oo qeyrul macquul ah

Inkastoo lagu tilmaamo maseyrku in uu yahay dareyn xanuun leh oo qofku uu ku rabo in uu kaligii yeesho qofka uu jecelyahay ama dareenkiisa kaligiis soo jiito ayaa waxa uu sababaa in uu kala geeyo laba qof oo is jecel ama is qaba waxaana halkaa ku dhamaan kara wixii ka dhaxeeyay oo jaceyl ah

Maseyr.. waa dareen la mid ah waxyaabah qofka uu dareemo ee caadiga ah laakiin dareenkiisu aad ayuu xanuun badan yahay hadii uu gudbo xadkiisa uuna sii siyaado

Badanaa waxaa la arkaa dhibaatooyinka ka dhex dhasha labada qof ee is qaba amaba is jecel xataa asxaabta dhexdooda sababta maseyrka dartiisa, ayadoo mararka qaar ay gaarto shaki kii ugu xumaa taasoo dhameyn karta jaceylka meeshaa ka jiray, lagana yaabo in ay dhaliso is aaminaad la’aan sababta maseyrka dartiisa


Waxaad arkeysaa mararka qaar qaasatan dadka jaceyl wadaaga ah ayagoo badanaa jecel dareenka maseyrka ah rabaana in ay dareemaan maseyrka ….. Sabab ???

Ma waxay rabaan in ay hubiyaan jaceylka qofka ay jecel yihiin ??

ma waxay doonayaan in ay jaceylkooda ku cadeeyaan Qaab maseyr galin ah qofka ay jecelyihiin ??

Maseyrku muxuu maraka qaar iskugu badalaa Shaki iyo kalsooni xumo ???

Muxuu maseyrku dadka qaar agtooda saa’id uu ugu yahay ama ugu badan yahay ??

Maseyrku ma kalsooni xumaa….Ama maxaan dhihi karnaa ???

Badanaa muxuu maseyrku isugu badalaa dhibaatooyin iyo mashaakil ????

Aqriste adiga maseyrka maxad u taqaanaa ??

Waa wax qurux badan in aragno ayadoo qof na jecel noo maseyraayo anaga darteen ……….

Laakiin sheygaasi quruxda badan waxa uu noqon karaa mid wax burburiya…. hadii anan si caqliyeesan leysaga xakameyn

Ugu dambeyntii…………

Maserku Ma jaceylbaa mise waa Kibir ?????








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment