Bulsha:- Waxaa fiican marka uu ninka dhalinyarada ah u talaabsanayo sameynta guurka in uu dhinacyo badan ka eego qofta uu doonayo in nolosha uu la wadaago.
Haweeneyda go’aan qaadashada aqoon: guurka waa shirko laba qof u dhaxeeysa looma baahna dhinac sadexaad , waxaa jira haween kaligood aan go`aan qaadan karin oo dhinac sedexaad sheekada soo gilinaya sida waalidkeeda ama walaalaheda oo weli isu haysata in ay dhoocil yar tahay ., midda noocaas ah awood umaaha in sirta ninkeeda qariso.
Haweeneeyda Fud fud: midaan fir fircooni ayay leedahay oo waxaad moodaaba in weli da’dii dhoocilnimo in ay ku jirto noloshaada farxad iyo kaftan ayay ka buuxineysa balse waa halis waayo ma awoodo in ay mas`uuliyad qaado kana hor tagto dhibaatooyinka qoyska , waxa ayna galeysaa qaldaad waa weyn.
Gabadha Jecel in ninka la haysto uu u noqdo: Guurka waa sida markab hadii laba hogaamiyaal ay leedahay waa ay degtaa , marka haweeneyda jecel in si xoogan u giliso fikradaheeda ninka isla markaana qaadato go`aanada si iyada u gaar ah taasi waxa ay keeneysa in jaceylka uu bur buro.
Gabadha Damaca Badan: waxaa jira haween aan aqoon wadada qanacsanaanta , ma fiiriyaan daruufaha dhaqaale ee ragooda kaliya wax aay jecel yihiin wax uusan awoodin in ay qoorta u suraan oo kaliya in dantooda loo yeelo ayaa u cad ,taas waa mid ugu daran ninkana daaqada ayuu deg deg uga baxayaa.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment