Talleefan GLAXY ah oo sabab u noqday kala go,a Saaxiibo isku fogaa !!

Bulsha:- Horaa waxaa loo yiri “Nimcokastaahi naaquskeedda ayeey leedahay” hadaba isbuucii ina soo dhaafay ayaa Degmada Hodan waxaa ka dhacday arin lama fillaan ah taasoo dad badan sida ay wax u dhaceen aad uga xumaaday. Maadaama rag muddo dheer asxaab ahaa si lama fillaan u kala go,ay.

Sida aan la wada socono waxaa waayahan danbe aduunka kusoo kordhay isticmaala talleefanada IPHONE-ka ama GLAXY kaasoo kuu samaxayo in aad ku isticmaasho internet-ka WIRLESS- si sahlana ay kugu fududaanayso in aad soo degsato addeegyada IMO/VIPER/TANGO, IWM talleenadan ayaa sidoo kale Magaalada Muqdisho si weyn loogu istmaallaa inta waqtiga u saamaxo.

Hadaba arinta sababtay kala go’a ragan mudada Asxaabta ahaa ayaa ahayd in maalintii Jimcaha ee ina soo dhaaftay uu mid ka mid ah raga saaxiibada ahaa uu ka wacay Talleefanka addeega IMO qaybta Video-ga ee sida tooska ah la isku arkayo saaxiibkisa kale, waxaa dhacday in taleefanka oo charger ku jiray oo yiillay qol kale ay qabatay gabar yar oo uu isaga abti u ahaa ka dibna gabadhii ay u sheegtay Inuu qolka kale ku jiro balse ay u geeynayso.

Intii ay usii waday waa uu ka qosol siinayay gabadhii yareed maadaama ay si fool ka fool isugu jeedeen ka dibna si toos ah u gashay qolkii uu ku jiray abtigeed, Abtiga xiligaasi waxa uu ku jiray haasaawid waliba gabar uu sxbkiisa si aad ah u garanayo balse uu ka qarin jiray xiriirka labadooda maadaama uu kan wax soo wacay uu aad u jeclaa gabadha, balse iyada ay kan ay markaasi la joogtay oo ka lacag badnaa sxbkiisa ku raacday lacagta, wax taxadar ah ma gallin ninka lasoo wacay Mobile ka Kaamiradiisa si toos ah ayey u qabanaysay Gabdha & Sxbkiisaba mana moodeyn isaga xiligaasi sidoo kale ma uusan moodeyn in LIVE yahay.

Waxaa jiray Tuhuno badan uu qabay sxbkiisa balse maalintaasi uu indhihiisa wax badan ku arkay, oo ay fashilantay arinkii, Gabadhi Muuqaalkeeda ayuu arkay iyagana mar qura ayeey arkeen shaashadda Mobilke oo ka muuqdo nin ay labaduuduba garanayaan ayna ogyihiin isla joogoodda uu arkay ay sababayo cudur aan daawoobeyn.

Illaahay mudo ayuu ceebta asturayay balse maalintaas ay noqotay maalintii ninka miskiinka ahaa xaqiisa soo daahiri lahaa. Dhibaatada meesha jirtay waxa ay ahayd in gabadha labada sxb ay si gaar ah u waday wallow kan markaasi ay la joogtay ay lacag uun ku raacaysay, halka kan kale uu iska ahaa nin aan jeebkiisa sidaa u buurneyn oo iska meel dhaxaad ah balse jaceylkiisa iskalajileysay maadaama uu kasoo horeeyay ninka beesada haystay.

Run ahaantii gabadhu waxa ay aheyd mid aad u quruxbadan waana sababta hawada galisay ninka beesaalaha inuu u quuri waayay sxbkiisa, gabadhana ma ahayn mid dhowrta jacaylka qiimihiisa balse ay u jeeday lacagtaasi uun.

Sidii laga cabsanayay waxaa dhacday in ninkii uu qaracmay, waxa dhaawacayna waxaa u sabab ahaa jaceylka dhabta ah ee uu u hayay gabadha maangaabta ahayd ee sababtay arinkan dhibaatada leh eekala jartay laba sxb isla markaana naftiisa galisa cuqdad wayn/niyad jab.

Arimaha sidaan oo kale waa kuwa ugu badan ee dalalka saboolka ah ka dhaca iyadoo gabdhaha qurxoon aysan tixgallin jacaylka ee ay maanka gashtaan kaliya ninka maalqabeeenka ah.

By- Asad Abukar Ali







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment