Sir Culus.Ma ogtahay dumarka markii la furo ama xiriirka loo jaro waxey sameeyaan?

Bulsha:- Wali maskaxdaadu ma is waydiisay markii aad kala hartaan saaxiibtaada aad jaceylka wadaagtaan ama aad furto xaaskaada aad gogol wada jiifateen tilaabada ugu dhaqsiyaha badan ay qaado?

Wax walbaa waxa ay leeyihiin waqti xadidan, calafka wuu dhamaadaa, sidoo kalena dadku wey kala xiiso dhacaan ama is khilaafaan, layaab malahan hadii labada qof xiriirkooda xumaado oo ay gaarto in ay kala haraan.

Hadaba gabdhaha ayaa la sheegay in ay leeyihiin in kabadan hal saaxiib oo rag ah ama saaxiibo kuwaasoo aad ugu dhowdhow iyada, iyadoo markaasi war galisa saacado kadib markii uu xiriirka dhamaado in ay iska soo fasaxday saaxiibkeedii hore una gudbisa ninka cusub in sxb keedii hore uu ahaa mid qalafsan oo xun uusan jirin nin ka xun dunida, iyadoo isla markii war galisa gabdhaha kale ee isku dhow yihiin.

Sidoo kale naagaha la qabay ee lasoo furay ayaa iyaguna isla markii wacda ninkii ugu dambeeyay ee calafku kala geeyay kuna war galiso in ay soo kala tageen, kana raali galiso wixii dhacay kuna sasabto inuu calaf iyo qadar, kuna qanciso ninka in ay iyada ka dalbatay furiinka doonaysa in ay adiga dib kuugu soo laabato, sidoo kale naagaha la furo ayaa marnaba amaanin ninka soo furay, inta badan ragga ayaa soo dhaweeya naagaha la soo furay.

Isku soo wada duuboo arimahan ayaa noqonaya qeybo ka mid ah buugga aadka u balaaran ee sirta dumarka, waxaana arimahan lagu xusay daraasad dhawaan ay sameeyeen culimmo Jarmal ah, ayagoo soo xiganaya gabdho iyo dumar fara badan oo arimahan laga wareystay.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment