Bulsha:- Khubarada ku takhakhustay arrimaha qoyska ayaa tilmaamay in heerka furiinka soomaalida uu kordhay taasi oo keentay inaan baaritaankaan sameyno si bulshadu u ogaato sababaha burburka qoyska, si looga feejignaado.
Qodobada soo socda waa kuwa ugu waa weyn ee aan ogaanay ineey sabab u yihiin burburka jaceylka lamaaanayaasha soomaaliyeed.
Dabacsanaan : waa caqabadda ugu horeeysa ee qaboowga ku keeneysa xariirka labada lamaane oo xaraarada ka qaadeysa , waxaa loo baahaan yahay in ihtimaamka uusan daaqada ka bixin oo labada lamaane sameeyaan dib u dayactir oo mararka qaar wada aadaan safar si waqti iskula soo qataan hadii ay awoodaan.
Maseeyr : Maseerka wax yaabo yar ayuu ka dhashaa balse waa dilaa aan la ogeyn .
Tix Gilinta Oo Yaraata : in qilaafaadka jira in si xor looga hadlo waa caafimaad u wanaagsan qoyska balse haddii yasid iyo bahdilid la socoto waxa ay tani dhaawaceysa dhab ahaan daremaha jaceyl , waana adag tahay in la iska cafiyo .
4- Dhibaatada Maaliyadda : inkastoo qoysas yar ay arintaan toos uga hadlaan hadana waa dhib jira , cariiriga nolosha iyo bakhiilnimada waa ay keenayaan qilaafaadka qoyska waana muhiim in si wada jir ah loo qorsheeyo xalinta arimahaas.
Wadahadlka Oo Yaraada Isla Markaana Adkaato In La Is Dhageysto : si looga gun gaaro isu dheeli tirnaanta xariirka qoyska waxa ku leedahay waxaa muhiim ah in labada lamaane awood u lahaadaan in ay is gaarsiin karaan fikradaha si wanagsan iyadoo midba midka kale uu dhageysanayo , wadahadalka tooska ah ayaa ah tiirka ugu muhiimsan ee lagu xalin karo mushkiladaha qoyska.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment