Raga Sameeya Sidan oo kale, Dumarku kama Helaan Ee…

Bulsha:-  Qof kasta bini aadam ah Allah wuxuu siiyay maskax uu kula doorto waxa isaga dan u ah iyo waxa aan danta ugu jirin, mudooyinkii dambe waxaa soo if baxay in dumarka ay ka taxadar badan yihiin ragga kadib markii ay kumanaan dumar ah si aan kala fiirsasho laheen uguur sadeen raga kala dabeecad iyo kala dhaqan duwan, taas oo keentay in ay dumar badan ku silcaan noloshooda ama ku noqday dumar markasta furiin lakulma, qaladaadkaas badan ee dhacay ayaa keenay in dumar badan ay qaataan tilaabooyin ku dhaheen taxadar dheera kuna dag dagin ragga sifaadkaan leh.

1 RAGA leh balwada sida sigaarka, jaadka iyo khamriga

inta badan ragga leh balwada dumurkooda cabasho aad u wayn ayaa ka keeneen taas sabab ka dhigtay in gabdho badan ka feejignaadaan ragga balwadaas leh, ceebaha ugu wayn raggan leh balwada qaabkani oo kala ah ayaa la sheegay in uu xanaaqooda aad ubadanyahay dulqaadkane uu aad ugu yarayahay, ma marka qaar uu miir doorsanyahay, iyagoo aan kala saarin karin waxa ahmiyada uleh nolosha lamaanaha ama ahaato mida guriga, sidoo kale ragga leh balwadaan dumarka kalsooni buuxdo kuma qabaan, markasta waxaa afka ka saaran dalaaqada.

2. RAGA u gacan qaada dumarka (Jirdila)

ragga astaamahaan leh inta badan dumarka ma xiiseeyaan mana ka helaan, haweenada waxay u aragtaa qof loo awood sheegtay ama la adoonsanaayo ama loo adeegsaday awood, waxaana dhacda in dumar badan ka soo haajiraan gurigii ay kula nooleed lamaanaheeda dib ugu soo laabato ehelkeeda, caradaas ayaa keentay in ay gabdho badan u dhaga taagaan sababaha ku kalifay in dumar ka soo cararaan nimankii qabay, waxay noqotay sifadaan sifoooyinka ay aad uga fikiraan gabdhaha aan wali la guursan, inta badan iska hubiya nimanka dabcigaas qalaf san leh.

3. RAGA naagaha badan (Playboy)

dabciga dumarka ayaa ah mid ka sameesan in raga ay xariirka la leeyiihiin uusan noqon mid xiriir la leh dumar kale, inta badan dumarka ma aaminaan raga naagaha badan xiriirka leh, sida ay cadeeyeen gabdho badan oo wareesi lala yeeshtay in ay xiiseeyaan nimanka aan naagaha badan aheen, dhanka kale waxay sheegaan in ninka markii uu dumar badan yahay uusan laheen wax balan qaad ah ama qalbi wax lagu shubto, waa mid u keenta dumarka niyad jab iyo walaac aad u weyn, taas oo keenta gabdho badan in ay ka dheeraadaan nimanka gabar kasta afka lagala (shukaansda).

 4. RAGA ad adag (Naxariis laawa yaasha)
way adagtahay nimanka dabcigaan leh in ay la wareegaan ama hantiyaan lamaanaha kale qalbigiisa, ragga is xirxira ama mooda in dumarka aan loo jilcanaanin, dumarka xiligaan jira waxay ku daraan raggaas liiska madow aan marna soo galin dooqa ay xiiseeyaan dumarka, badanaa raggan ad adag waxaa ku dhaca in ay guurka ka daahaan maadaama ay adagtahay dooq lagu qaato, inta badan dumarka waxay aad u xiiseeyaan nimanka hadalka la wadaaga siiya fursad ay wax ku dhiiban karta, tusiya in ay tahay qof mas’uuliyad qaadi karta, noolo kasta ayaa ubaahan ixtiraam iyo qadarin.

5. RAGA isla wayn (Yasida)

dumarka waxay u arkaan nimanka islwaynida ku jirta in ay yihiin niman qarabin aan laheen wax horo socod, inta badan waxay tibaaxan in ragga isla wayninka qaba waqtigooda kulimo yasid iyo islwayne iyo qof xaqiraad, mid kamid ah dumarka ayaa sheegtay in ninkeeda markii uu yaso dadkale qalbiga iska dhahdo adigane wuu ku yasaa, wax qabad kasta ay la timaado qofka dumarka ah waxay u qaadaneesaa in ninkeeda uu waxba kama jiraan ku tilmaami doono, halka ay dumarka aad uga xiiseeyaan ragga niyada u dhisa xitaa hadii wax qaldaan qaab caqli iyo xikmad ku dhisan ugu sheego.

shantaa arin aan kor ku soo xusnay waa warbixin cilmiyeed laga soo qaado dumar badan kuwa la qaba iyo kuwa aan wali laguursan, hadaba hadii aad tahay nin qaba ciladahaas waxaa kula gudboon in aad la timaado isbadal keeni kara wada noolaasho iyo xiriir qoto dheer macno wayn xambaarsan.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment