Jaceylka Aan Kuu Haayo Ma Dhinayo Balse…

Bulsha:- Mar kale kulan wanaagsan ku soo dhawaada qeyb cusub oo SMS LOVE ama Fariimo Jaceyl oo shabakada Arimaha Bulshada  u fududeyso aqristayaasheeda dhanka SMS Love sida weyn ay u xiiseeya .

1-Xayaati xalay dhan waan fikirayay markaas ayay Hal dhibic oo ilin ah iga soo dhacday , markaas ayaan weydiiyay oo aan iri maxaad banaanka ugu soo baxday , Dhibicdii ilinta aheyd waxa ay iigu jawaabtay waxaa jira qof aad u qurxoon oo indhahaada aad siiyay , marka aniga boos iigama banaana indhahaada .

2-Ogaaw macaan in xariirka uusan aheyn Game la ciyaarayo, ma ahan eray la iska yiraahdo, ma ahan mid bilaawda March oo dhamaanaya May , ogaaw waa beri, waa shalay , waa maanta waa mar waliba.

3-Haddii aad fariintaan tir-tirto taasi waxa ay i tusineysa in aad i jeceshahay haddii aad save gareysato waxa iyana ay ii muujineysa in aad ii baahan tahay haddii aad iska indha tirtana waxa ay ii muujineysa in aad ii xiistay .. hadaba wax aad sameyn kartid ma jirto loool .

4-Mararka qaar indhaheyga waxa ay ka maseeraan qalbigeyga , ma garaneysaa sababta maxaa yeelay mar waliba waxaad u dhawdahay qalbigeyga indhaheygana waad ka fog tahay(waan u xiisay aragtidaada.).

5- Ogaaw qaali jaceylka aan ku qabo ma dhimanayo ama ma dhamaanayo inta qoraxda qaboow ka noqoneyso xidigahana ka baaba`ayaan .

6-macaan ha siin Passwordka jaceylkeena ama xariirkeena qof maxaa yeelay haddii aad tiraahdo Passwordka waxa waaye I LOVE YOU taasi micnaheedu waxa ay tahay in uu igala ka wareegayo isla markaana aad ka baxeysid gacanteyda( Jaceylkaan qof kale ha iga siin)







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment