Qiso Gaaban Oo Cibro Qaadasho Mudan Kuna Saabsan Saxaabiga Cumar Bin Khadaab Rc

Bulsha:-  Cumar Bin Khadaab RC, waa Saxaabiga Xagga Fadliga ku Xiga Abuubakar As-Sidiiq RC, waxaa Sharaf ugu Filan inuu marar badan Hadalkii uu yiri Waxyi ka soo Dagay oo waliba qaar ka mid ah ay Maanta ka mid yihiin Qur’aanka la Akhriyo, waxaan la Iloobi karin in Rasuulk CSW, uu Sheegay in Shaydaanku ka Cararo Wadada uu Cumar Maraayo, wuxuuna ahaa Saxaabi Ilaahay ku Cizeeyay Islaamka.

Haddaba, Habeen ayaa Madiina waxaa yimid Dad Socoto oo Tujaariin ah, waxeyna yimaadeen Meel u dhow Masjidka, Cumar ayaa ka Codsaday Cabdiraxmaan Bin Cowf in Dadkaas la Ilaaliyo, Wuuna ka Oggolaaday markaas Habeenkii oo dhan ayey Waardiyaynayeen.

Waxaa Dhowr jeer Ooyay Ilmo (Cunug) yar, waxaana u Tagay Cumar oo ku yiri Hooyadiis:- Maxaa ilmaha ku Dhacay, Bal Aamusi? Waxay tiri:- Naaska ayaan ka Mashquulinayaa oo inuu ka Go’o ayaan Rabaa. (Cumar ayaana yiri Ilmaha ilaa Naaska laga Gooyo Welfare (Mucaawino) iyo Biil looma QoraayO, mana aysan Garaneyn Hooyadu Qofka ay la hadleyao inuu Cumar yahay).

Cumar Wuxuu ku yiri:- Meeqa sanno ayuu jiraa Cunugaagu?, kolkaas ayey ku tiri:- wuxuu jiraa intaas oo Sanadood, iyo intaas Bilood. haddaba, Cumar ayaa kolkaas yiri:-Hoogaagee, ilmaha ha ku Dadajin inaad Naaska ka Gooyso.. Subaxdii ayuu Masjidka tagay,

Dadkuna ma Garanayn Qiraa’adiisa Oohin darteed markuu Salaada ka baxay ayuu yiri: Cumar Baas baa kuu Sugnaaday, Meeqa ilmood oo Muslim ah ayaa Dishay. Intaas ka dib wuxuu Diray mid Dadka Ogeysiinaya oo Dhahaayo:- Dadoow Ilmihiina Naas ka hore ha uga Goynina, waxaan u Qoreynaa Biil Ilmo Kasta oo Islaamka Lagu Dhalo.


FIIRO GAAR AH:-

Cumar ma Dilin Caruurta Islaamka, laakiin waxay Qisadiisa ku Tuseysaa Mas’uuliyada uu Dareemayo inta ay Le’eg tahay. Hogaamiyihii Islaamka oo Waardiyaynaya Dad Shacabkiisa ka mid ah, asagoo Awood u leh inuu Dad u saaro Arinkaas, waxaase laga Fahmayaa Qisada Tawaaduciisa iyo asagoo u Arka inay ka mid tahay Shaqadii uu Masuulka ka ahaa.

Cadaaladda Cumar RC, ayaa laga Fahmayaa ka dib markii uu isagoo Awood u leh inuu Ciqaabo uu Arinka ka Fiiriyay Armeey Adiga Qiyaamo wax Kaaga yimaadaan. Qisadu waxey kaloo ay Ina Tusaysaa Baahida aan u Qabno Hogaamiyayaal Cumar RC oo kale ah, taasoo aad Moodo in Adduunka laga Suuliyay.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment