Bulsha:- bayna in muddo ah ku noqnoqotaa. Intaas dabadeed, kolka ay haweeneydu si wanaagsan istiinka u qaadato, labadeeda bawdo ayaa iskood u kala kaca, faruuryaha waaweyn ee cambarkuna waa ay kala fogaadaan,
qanjirradiisuna soo daayaan dheecaan qooya cambarka gudihiisa oo idil.
Dhuuqmadii iyo istiinkii xoogga badnaa xilligii galmadu, waxay isu rogayaan kuwo fudud oo saxansaxo leh aanna gaarsiisnayn heer ay mar kale kacsan karto. Isdhexgalkii xoogga ku dhisnaa waxa uu isu beddelayaa is-habsiin jilicsan oo keenta inay haweeneydu dareento in ninkeedu yahay gabbaadin aamin ah oo ay dhaxanta iyo dhibaatada ka gasho.
Halkaasi kolkay arrini marayso ayay madaxeeda shafka ama garabka ka saarataa, jiif iyo nasashana ku gunaanaddaa hawshii cuslayd ee ay qabatay intii shaqada galmada lagu jiray.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment