Isticmaalka Badan Ee Taleefanka Oo La Xaqiijiyey Inuu Keeno Xanuunka Noocaan Ah..!!

Bulsha:-  Cilmibaaris ay dhowaan sameeyeen koox ka socotay jaamacaddaha dalka  Australiya ayaa caddeeyey in isticmaalka badan ee Taleefanku ay keento Kanserka ku dhaca maskaxda.

Saynisyahanada diyaarinaayey daraasadan oo ka socday jaamacadda Sydney University ayaa baadhitaano kala duwan ku sameeyey xanuunka Kansarka Maskaxda, isla markaana qoraallo badan ka diyaariyey, kwuaas oo tiro ahaan gaadhaaya ilaa 85819 kiis, kuwaas oo la diwaangeliyey tan iyo markii ay dalkaasi soo gaadhey isgaadhsiintu ilaa sannadihii tegey, waxaanay dalkaasi ka bilaabantay is-gaadhsiintu sannadkii 1987 oo la soo bilaabay diyaarinta macluumaadkaasi ilaa sannadkii 2014-kii oo ahaa sannadkii ugu dambeeyey ee kiisaskaasi Kansarka maskaxda ee wadankaasi la diwaangeliyey.

Saynisyahanadan ayaa calaamadiyey dadka inta ugu badan ee uu xanuunkaasi Kansarka Maskaxdu haleelo, iyaga oo sheegay in uu ku badan yahay dadka da’doodu gaadhayso 70-ka sanno, iyada oo uu kor u kacay laga soo bilaabo sannadkii 1982, waxaana la sheegay in ay kor u qaadeen waqtiyadan dhowaa taleefanada loo yaqaano Smart phones.

Xanuunkan ayay sheegeen khubaradani in aanu lahayn inta badan dawooyin lagu daweyn karo, marka laga yimaado qalabka Tomography loo yaqaano oo ku rakiban Kombiyuuterska iyo Magnet lagu rakibaayo.

Qormadan ayaa lagu daabacay wargeyska Cancer Epidemiology, iyada oo la raaciyey natiijada darasadan iyo kuwo hore oo la sameeyey intaba, waxaana   lagu soo gebo gebeeyey in Mobiladu yihiin waxyaalaha sababa Kancer ka maskaxda.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment