Ka Fogoow Hadii Aad 7-daan Astaamood Ku Aragto Gabadha Aad La Haasawdo.

Bulsha:- Waxaa jira dumar wata dano aan mustaqbal ahayn ama guurka  kadib aan naftaada raali gelin karin, kuwaaso af macaanida iyo qaab kaleba kugu dila.

Hadii qofta niyada kuugu sawiran ay leedahay sifahan mid ka mid ah, waxaa haboon in aad bedesho mowqifkaaga mustaqbaleed ee aad qoftan ka leedahay, ama digniin ha kuu ahaato, hadi lagu sito oo nafta qoftan raali ku tahay!

1- Isla Quman: Adiga ayaa mar kasta khaldan, waxa ay ku mashquulsan tahay lebiskaaga, hadalkaada, balwadaada, asxaabtaada, waxana jeceshahay in ay hogaanka heyso, xitaa hadii ay dukaanka  sonkor ka soo iibsaneyso, waxa ay jeceshahay in ay kuu doorto sonkorta, laga yaabee in aanay  iyadu xataa ka helin. Waxay jeceshahay in ay ku tusto qoftan in ay kaa darajo sareyso, inkasta oo ay weli kuu baahan tahay.

Dabeecadaheeda waxaa ka mid ah, buuq badan, dacaayado been ah oo ay kaa faafiso, ama halmar oo aad khalad ka gashay o oay buun buuniso markastana kuugu soo hadal qaado.

2- Boqorada Hadalka Macaan: Kaligaa ma aha, rag kale ayey kuugu dul wada, laakin hadalkeda macaan, iyo soo jiidashadeeda ayaa ku indho tiraya oo maba u jeedid ragaas kale. Malaha waxa laga yaabaa in ay si beni aadanimo leh, xushmad iyo qadarin leh kuugula dhaqanto, laakin hadii aad telefoonkeeda baadho, fariimaha jacaylka oo ay dad kale u direeso, waa kuwo mar hore ku soo gaadhay ama kuugu soo socda. Waxa ay radisaa ereyba eryaga uu ka macaan badan yahay, waxayna ku muujisaa dulqaad aan caadi ahayn, laakin dhalanteed ah. Qalad kastaa oo ay kaa gashana waxa ay u haysaa mar marsiiyo hadii aanayba dafirin. Ninkastaa oo khadkeeda soo galana, gacmo furan ayey ku soo dhaweesa. Waa doqon aan danteeda aqoon.


Dabeecadeheeda waxaa ka mid ah, been joogto ah, balam aan dhamaaneyn, sheeko socota, laakin weji kala bax ah laheyn, balan ka baxyo, hadal macaan, dhaar badan, iyo gacan ka hadal badan.

3- Daneysato: Markii ay dan kaa leedahay ayey kula soo xidhiidhaa,Hadal macaan iyo wa lagu wayey ee intee ka baxdeyna hadalka kaaga bilawdaa,, laakin waa doqon aan xisaabtamin oo waxay u maleysaa in ay kaa caqli badan tahay isla markiibana danteeda ayey kuu sheegtaa. Qofta noocaan ah, waxa kaliya oo ay jeceshahay in aad u sameyso waxa ay kaa rabto badanaana ma laga yaabo in is afgarasho shukaansi meesha timaado, wayo ujeedadeeda ma ahan in ay ku shukaansato, ee waxa kaliya oo ay kaa rabto ahaa daneysi.

Dabeecadaheeda waxaa ka mid ah, marka kaliya oo ay kuu baahan tahay ayey kula soo xidhiidhaa, Hadalada shukaansiga wey iska meer meerisaa, oo uma soo jeedo, waxa ay u baahan tahay ayaa muhiim ah.

4- Caasiyad: Hadii aad aragto iyadoo waalidka ku af Celineysa ka fogoow waa caasi waalideyn.

5- Xiisaaleey: Maanta wada sheekaysta, berina isma taqaaniin. Qoftan dabecadeeda ayaa wax ka khaldan yihiin. Waxay leedahay wejiyo badan oo is bedbedela. Saaxiibadeed ninka ay la socoto oo kale ayey u baahan tahay, berina mid kale, ma laha hadaf gooni ah, Hadba dabaysha dhanka ay u jeediso, ayey ku socotaa.Waxa ay ka heshaa dhal dhalaalka, faanka, dadka cusub, Hadii ay shalay mustaqbal kaala hadleeysay, maanta waxay kaala hadaleysaa in aanay  mustaqbal u soo jeedin.

Dabeecadeheeda waxaa ka mid ah, Go’aan la’ aan, kalsooni daro, iyo dookhii oo ka lumay.

6- Taariku Salaad: Hadii aad ku aragto Salaad la’aan ka leexo reerka aad dhiso doonto uma wanagsana iyo Caruurta ay ku dhali doonto.

7- Areebo(basari): Qaar ka mid ah haweenka leh dabeecadaan areebanimo ayaa inta badani dabeecadooda soo shaac baxdaa guurka ka dib. Xiliyada shukaansigu socdana waa boqorada nadaafada, waxa ayna ku dareensineysaa in ay tahay qof nadaafada jecel, laakin wa sahal sidii aad ku fahmi laheyd. Isbedelka nadaafaded ee guriga, suuliga, uiraayadaha iwm waxa ay ku tusaayaan in xili aan dheereyn la masaxay, dhinacyadana ay weli ku hadhsan tahay wasakh. Inkasta oo ay adagtahay in aan laga fahmin jidhkeeda basarinimadeeda, hadana waxaa laga yaabaa in cidiyaha ama neefteeda ay dareen shaki kuugu abuuran.

Dabecadaheeda waxaa ka mid ah; Ma jecla in aad kedis ku soo booqato, waxa ay jeceshahay in ay kuugu soo dhaweyso gurigeeda xili aad balan la sameysatey, hadii xidhiidhkiina joogto yahayna, waxa ay isku daydaa in ay qariso dharkeeda ama waxyaabaha muujinaaya basarinimadeeda.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment