4 Astaamood Oo Ninku Ku Ogaan Karo Gabadha Wahsiga badan

Bulsha:- Wahsiga waa cudur qofka ka reeba wax yaabo badan oo wax tar uleh noloshiisa, dadka wahsada badanaa ayaa ah kuwa inta badan aan waxba qabsan, inta badan dadka wahsada badan ayaa afka go’aama ka gaadha kadibna aan ku dhaqaaqin wax ficil ah, hadaba maanta waxaan idiin Haynaa astaamaha lagu garto gabdhaha wahsiga badan

1. Kuma dadaasho nadaafada timaha

Astaanta 1aad ee lagu garto gabadha in ay tahay wahsibadan ama gabar caajis badan waa gabadha ka wahsata nadiifinta timaheeda, markasta waxaa isku dhex daadsan timaheeda, marmarka qaar way isku dhagaan nadaafad la’aan ah, gabdhahan ayaan ku baraarugsaneen in ragga wax yaabaha soo jiita ay tahay bilicsanaanta timaha gabdhaha, waana mid kamid ah wax yaabaha ay ragga ku qiimeeyaan quruxda dumarka.

2. Badanaa waa mid kulabisan hal dhar

Astaanta 2aad ayaa ah ee lagu garto gabadha in ay tahay wahsibadan iyada oo aan iska badalin dharka waa mid markasta kulabisin inkabadan todobaadkii , marna isku ma taxluujiso in ay xidhato dharkale, badanaa marmarsiyo waxay ka dhigtaa dharka ay gashantahay in ay xiiso uqabto uu ugu baxo, hadii aaney jirin dhaqaalo xumo, gabadha waxaa la gudboon in ay ahaato mid marba dhar nadaafad ka muuqdo xidhato, nadaafada qofka waa mid sare u qaata caafimadka jirka qofka.

3. Guriga ay ku nooshahay oo ah mid isku dhex yaacan

Astaanta 3aad ee lagu garto gabadha ayaa ah in guriga ay ku nooshahay uu yahay mid isku dhex daadsan, dharka meel kasta ku daadsanyahay, qashinka guriga dhex yaalo, sariiraha guriga aan aheen kuwa markasta giigsan ama la goglay, hadaba hadii aad tagto guri sidaa ah waxaad isla markii kuu sawir maya gabdhaha kunool gurigaas in ay yihiin kuwa wahsi badan

4. Wajigeeda oo ah mid aan ifin

Wajiga markasta waxaa kasaaran jacdad, marna kuma soo jiidanayo, wajigeeda iyo jirkeeda waa qaleel ama ma dhaashana , ma iskuma taxluujineyso in ay isbadal ku sameeso muuqaalkeeda, wajiga waa muraayada 1aad ee laga daalacdo qofka dumarka ah, gabadha caajiska badan waa mid lagu garto astaamahaas aan soo xusnay.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment