Iska ilaali 11-kaan qodob waxay halis ku yihiin jiritaanka noloshaada “Ka Faa’iideyso”

Bulsha:- Barnaamijkeena Kobci Maskaxdaada Isbuucaan Waxaan ku soo qaadaneynaa 11 qodob oo dhamaantood niyad jab ku keena qofka bini aadamka ah, hadaba isku day inaad iska illaaliso qodobadaan hoos ku xusan si aad ula coloowdo niyad jabka, inkastoo marna nolosha niyad jab tahay marna farxad tahay.

1. Marka aad la kulanto dhibaato oo aad garabkaaga ka waydo saaxiib kula wadaaga murugada, kaalana dabaasha masiibada.

2. Marka eraykasta iyo ficil kasta oo kaa yimaada loo fasirto xumaan.

3. Marka la dafiro deeqsinimadaada iyo waxtarkaaga.

4. Marka cimrigaagu tago adiga oo aan inyarna ka gaadhin riyadaadii.

5. Marka aad si fudud u waydo waxii aad mudada badan ku soo tabcaysay.

6. Marka uu ku khiyaameeyo qofkii dad kuugu xigay.

7. Marka aad la kulanto saaxiib aanad mudo arag, xiisana aad u qabtay la kulankiisa balse uu magacaagiiba garanwaayo.

8. Marka dhabarka lagaa wareemo ee aad ogaato qofka ku dilay inuu yahay ehelka.

9. Marka aad aragto duni qofkaad u jeclayd oo dareenkaaga kalkacal ka maadsanaya.

10. Marka qofkii aad dunida ugu jeclayd kuu cadeeyo in aanad agtiisa wax qiima ah ku lahayn.

11. Marka lagugu tuhmo waxa aanad gaysan dadkoo dhamina isugu markhaati furo in aad samaysay.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment