Ilowsho badan ma isku aragtay (Dawo Wanagsan ayaan kuu haynaa)

Bulsha:- Dad badan ayaa mudooyinkaan dambe la dhibaateysay xusuusta oo diciifta,waxaa jiraan tusaalooyin marka aad dareento inaad raadineyso magacyo ama ereyo horey aad u taqaaney,laakin carabkaagu soo qaban waayo,haseyeeshee murugadu waxey tahay maskaxdaadu si buuxdo uma shaqeyneyso.

Arimaha nuucan ah ee maqnaashaha maskaxdaada ama xusuus lumida waxey dhacdaa marka aad daalan tahay,culeysuu ku haayo( Stress) iyo welwel uu ku haayo.

Ma isku aragtaa arimahan oo dhan iney dhib kugu haayan? Haka welwelin waayo waxaa jiro arimo yar oo aad maskaxdaada ku hagaajin karto.

1- bilow inaad ruugto xanjo,Marka loo eego machadka caafimaadka Baylor ee ku yaala Houston US. Calaalinta xanjada waxey kor u qaadaa feejignaanta.

2- Raadi inaad uriso doog nadiif ah.Inkastoo arintaani dadka qaar aaney farxadgelineyn,laakin carfinta dooga nadiifka ah waxey ka caawisaa iney yareyso welwelka iyo iney kor u qaado maskaxdaada. Hadii aadan heysan doog la jaray,waxaan isticmaali kartaa dooga yar ee ubax ahaanta loo iibiyo nuuca aroma ah.

3- Yareey qaadashada maadada calorie.tani waxey ka caawineysaa maskaxda iney noqoto mid aad u dareen badan Insulinta,islamarkaana u ogolaata iney hoos u dhigto curinta protien C. Labadaan cunsur waxey ka caawiyaan maskaxda iney hormariso qeybaha maskaxda,sida nutritionist Cynthia Sass

4- Awooda indho gaduudsiga. In yar oo aad indhaha gaduudsato waxey dib usoo celisaa awooda maskaxda iyo iney hormariso awooda qofka inuu barto.

Nasiino yar waxey maskaxda ka dhigtaa mid aad u maskax furan waxyaabaha cusub iyo warbixinada.

5- Dhageyso shanqaraha marka aad seexaneyso( Maadaama anaga aan nahay dad islaam ah shanqarahaas waxaan ku bedelan karnaa quraan) waxaa jiro dad aanan seexan karin ilaa uu jiro aamusnaan maahe. Sikastaba, maqalka shanqaraha xilliga jiifka waxey kor u dhigaan xusuusta si aad ah.

6- In yar oo dufin ah. Isticmaalka in yar oo dufin ah waxey kaa caawisaa iney gacanka geysato warbixinada xilli hore ahaa ee xusuusta, laakin waa inaad iska hubisaa iney ahaato xadi aad u yar oo aadan badin.

Waxaan rajeynaa iney kaa caawin doonaan calaamadahan iney dib usoo noolaato xusuustaadii luntay.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment