Gacaliyahaaga Ma Ka Sheeganayaa Wel-wel Iyo Niyad Jab , Arimahaan Sameey

Bulsha:- Ma dooneysaa in ninkaada aad caawiso marka uu dareemayo culeyso si uu uga taqaluso xaaladaha wel-welka iyo niyad jabka hadaba  talooyin suura gal ah in ay caawin buuxda u noqdaan lamaanahaaga nolosha ayay  Heegan24.net  ku siineysaa .

U Abuur dhul baaxad leh oo ammaan ah kuna haboon daweynta , ninka qaba xanuunka wel-wel-ka iyo niyad jab-ka waxa uu u baahan yahay in uu helo baaxad gudaha ah si uu u cabiro waxa laabta kaga jira , waana lama huraan in uu helo Space dhab ah ee gabar yaheey sii fursad ammaan ah si waxa ku meeraya uu u soo tufo .

Dareensii luqadda deganaashaha , isku day in aad fahanto habka aad ula xariireyso lamaanahaaga ula xariir si naxariis iyo kalgaceyl ay ku jirto , haddii aad ku fashilnto in waddo aad kula xariirto isku day hadana mid kale hana isku dayin in aad ku cadaadiso in uu u jawaabo qaabka aad adiga dooneyso .

Dhab ahaan waxa ay xataati.com  ku leedahay shaqsiga ka sheeganaya wel welka iyo niyad jabka waxa uu u baahan yahay macaamil wanaagsan oo ay ku dheehan tahay rajo , rajada waa wadada kaliya ee looga taqalusi karo daruufahaas adag .
Ugu dambeyn daryeel naftaada inkastoo lamaanahaaga uu maryo daruuftaas adag , habkaan waxa uu kaa caawinayaa in la helo xariir xasilan.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment