Gabar Soomaaliyeed oo loogu magac daray Garoon kubada Cagta lagu ciyaaro ee Kuyaalo Magaalada Milaano

Bulsha:- Garoon lagu ciyaaro kubada cagta oo kuyaala Magaalada Milaano ee Dalka Talyaaniga ayaa loogu magac daray Gabar Oradyahanad Soomaaliyeed ah oo ku geeriyootay biyaha u dhaxeeya Talyaaniga iyo Liibiya xili ay Yurub u tahriibeysay.

Garoonkan kuyaala Magaalada Milaano ayaa loogu magac daray Saamiya Yuusuf

Cumar, oo aheed Gabar Oradyahanad Soomaaliyeed ah oo bishii April ee sanadkii 2012-kii ku geeriyootay badda Medhitareeniyaanka ee u dhaxeysa Libya iyo Talyaaniga.

Saamiya ayaa dooneysay in Qaarada Yurub ka hesho nolol ka wanaagsan tan Soomaaliya ayna hormariso xirfaddeeda orodka, hasa ahaatee gabadhan ayaa ugu dambeyn ku geeriyootay Badda xili aysan riyadeeda u rumoobin.

Buug uu qoray Nin Talyaani ah oo ku saabsanaa nolosha iyo Taariikhda Saamiya Yuusuf Cumar, ayaa sabab u noqday in ay dad badan bartaan, buugan ayaana noqday mid si weyn looga iibsaday dalka Talyaaniga.

Saamiya Yuusuf Cumar, oo aheed Gabar Oradyahnad ah ayaa Qaranka Soomaaliya u matashay ciyaarihii Olombikada ee sanadkii 2008-dii lagu qabtay magaalada Beijing ee caasimadda Dalka China.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment