Bulsha:- GABADHA HADEEY NINKEEDA KA XANAAJISO, SOONKEEDA MUXUU U DHIMAA ?
Waxaa wanaagsan wada Noolaashaha ka Dhaxeeya Lamaanaha Isqaba inuu ahaado mid ku Saleysan Raxmad iyo Kala dambeyn, sidaasi darteed waa inuu Midba midka kale uu Tixgeliyaa, kuna Dadaalaa siduu u Raali gelin lahaa.
Qaasatan Gabadha waxaa Wanaagsan iney mar walba Farxad geliso Seygeeda, ayna Ogaato haddii ay ka Xanaajiso Seygeeda iney ku Dhaceyso Carrada Eebbe.
Rabbi wuxuu u Sharciyeeyay Labada Ruux ee Nolosha ka Dhexeyso wax kasta oo Wanaag iyo Kalgaceyl ku Beeri kara Dhexdooda, wuxuuna ka Xaaraantimeeyey wax walba oo Xumeen kara Kalgaceylka ka Dhaxeeya Lamaanahaas, sidaasi darteed haddii midba midka kale uu ka Gaabiyo Xaqii uu ku lahaa, uuna ka Xanaajiyo taasi waxey keeneysaa inuu Soonkiisa Nusqaamo.
(ILAAHOOW DEMBIGEENA DHAAF).
W.Q:- Macoow Ustaad.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment