Bulsha:- Hablaha oo neceb ragga leh sifooyinka Heegan24.net ay hoos ku xusayso Qof kasta noola ah Alle wuxu siiyay
maskax uu kula soocdo waxa isaga dan u ah iyo waxa aan dani ugu jirin, mudooyinkii dambe waxa soo if
baxay in dumarka ay ka taxadar badan yihiin ragga kadib markii ay kumanaan dumar ahi si aan ka
fiirsasho lahayn ay u guur sadeen ragg kala dabeecad iyo kala dhaqan duwan, taas oo keentay in ay
dumar badani dhibaato kala kulmaan noloshooda ugu danbayna la furay. Hadaba qaladaadkaa badan ee
dhacay ayaa keenay in dumar badani ay qaataan talaabooyin adag oo ay kaga foojigan yihiin ragga
qaarkii, waxana kamid ah:
1. Nimanka leh balwada: inta badan ragga leh balwada dumur kooda cabasho aad u badan ayay ka
keenaan taas oo sabab ka dhigtay in haween badani ka feejignaadaan ragga balwada leh, ceebaha ugu
wayn raggan leh balwada qaabkani qaadka iyo sigaarku ku jiro ayaa la sheegay in ay cadho badan yihiin
dulqaadkuna uu aad ugu yarayahay, mar marka qaarna uu miyir doorsanyahay, iyaga oo aan kala saarin
karin waxa ahmiyada u leh nolosha lamaanaha ahaato mida guriga iyo mid kaleba.
2. Ragga gacanta fudud: ragga sifidan leh inta badan dumarku ma xiiseeyaan mana jecla, haweenaydu
waxay u aragtaa qof loo awood sheegtay ama la adoonsanaayo ama loo adeegsaday awood, waxana
dhacda in dumar badan ka soo haajiraan gurigii ay kula noolayd lamaanaheeda iyada oo dib ugu soo
dumar ka soo yaacaan nimankii qabay, waxay noqotay sifadaan sifoooyinka ay aad uga fikiraan gabdhaha
aan wali la guursan, inta badan iska hubiya nimanka dabcigaas qalaf san leh.
3. Ragga dumarka badan: dabciga dumarka ayaa ah mid ka sameesan in nimanka ay xidiidhka la
leeyiihiin aanay noqon qaar xidhiidh la leh dumar kale, inta badan dumarku ma aaminaan ragga naagaha
badan xidhiidhka la wadaaga, dhanka kale waxay sheegaan in ninku marka uu dumar badan la socodo
aanu lahayn wax balan qaad ah ama qalbi wax lagu shubto, waa mid u keenta dumarka niyad jab iyo
walaac, taas oo sababtay in haween badani in ay ka dheeraadaan nimanka sheekada badan.
4. Ragga ad adag ama naxaiirsta daran: way adagtahay ragga dabcigan leh in ay la wareegaan ama
hantiyaan lamaanaha kale qalbigiisa, ragga is xidhxidha ama aaminsan in dumarka aan la tusin waji
furan. dumarka xiligan jira waxay ku daraan ragga noocaas ah liiska madow ee aan marna soo galin
dookha ay xiiseeyaan dumarka, badanaa raggan ad adag waxa ku dhaca in ay guurka ka ragaan
maadaama ay adagtahay dookh lagu qaataa. inta badan dumarku waxay aad u xiiseeyaan nimanka
hadalka la wadaaga hadalka ee siiya fursad ay ra’yi ku dhiiban karto, ee u tusa in ay awood leedahay.
5. Ragga ilsa wayn: dumarka waxay u arkaan nimanka islwaynidau ku jirto in ay yihiin niman qadarin aan
lahayn oo marna aan eraygeeda ama taladeeda wax kasoo qaadayn laakiin waxa ay la hayaan ragga
niyada u dhisa xitaa hadii wax qaldaan qaab caqli iyo xikmad ku salaysan ugu sheega.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment