Bulsha:- shaaha madowKhubaro ka socota Jaamacadda University of L’Aquila ee ku taala dalka Talyaaniga oo kaashanaya xeel dheerayaal ka socda mac-hadka lagu magacaabo Lipton Institute of Tea, ayaa daboolka ka qaaday cabitaanka koob Shaaha oo Rinji ah oo aad maalin walba cabtaa in uu ka hortagayo khatarta qaaditaanka cudurada halista ah ee ay ka midka yihiin Wadne xanuunka iyo Macaanka.
Khubaraddu waxa ay sheegeen in isticmaalka cabista shaaha madoobi ay horumarinayso firfircoonida xididadda dhiigga, isla markaana ay hoos u dhigayso heerka cadaadiska halbowlayaasha dhiigga taas oo baajinaysa in uu qofku ka badbaado wadne xanuun ku dhaca.
Intii cilmi baaristan lagu guda jiray waxa kale oo la ogaaday maadadda ku jirta shaaha madow in ay dhiigga ka illaaliso xinjirawga taas oo sahasha in aanu dhiiggu guntamin oo uu si sahal ah u maro xiddidda.
Xeel dheerayaashu waxa ay xuseen in ay natiijadan ku ogaadeen baaritaan ay ku sameeyeen 19 nin oo ay da’doodu 33 jir tahay oo si joogta ah u caba maalin walba koob ama laba koob oo shaah ah oo rinji ah.
Heerka xaddiga maadadda ku jirta Shaaha tea flavonoids ayaa lagu qiyaasay in koobkii shaaha ah ee madowba ay ku jirto ugu yaraan 100-200 mg oo (flavonoids).
Ugu danbayntii waxay khubaraddani ku doodeen oo kale in cabista shaaha madow ee rinjiga ahi uu wax weyn ka taro fayo dhawrka caafimaadka ilkaha dadka caba.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment