Dumarka Oo La Ogaaday Inay Aad U Jecelyihiin Raga Lugaha Gaa-gaaban, Sababtu Maxay Tahay

Bulsha:-  Dumarkuna waxa ay jecel yihiin ragga lugaha gaa-gaaban. Arintana waxa soo bandhigay culumo maraykan ah kadib marki ay baadhitaan sameeyeen.

-Khuburada cilmibaaritaanka sameeyay ayaa waxa ay sheegeen in qaab dhismeedka jirka ee ninku leeyahay ee dumarku ka helaan uu yahay garbo dhaadheer, jirka sare oo dheer iyo lugo gaa-gaaban. Khuburaduna waxa ay arintan ka soo saareen markii ay 87 dumar tuseen sawiro rag. Kadibna la waydiiayay sawirada ay ka heleen. Intii badnaydna waxa ay isku raacday ragga qaab jir dhismeedka aan kor ku soo sheegnay leh.

-Hadii la raaco daraasadan waxa la odhan karaa in ragga qaab jir dhismeedkan noocan ah leh ay ka mid yihiin xidiga Christian Bale iyo dabaalyahanka caanka ah ee Michael Phelps.

-Laakiin marka laga hadlayo qaab jir dhismeedka ay ragu jecelyihiina ayaa ah mid ka duwam ka dumarka. Qaab jir dhismeedkaas oo ah in ay gabadhu lahaadaan jir kore oo gaaban, lugo dhaadheer iyo misko wareegsan.

-Si kastaba ha loo dhigo ama ha loo baaro laakiin arin lama huraan ahi waa in aan ogaanaa in dadku quruxda si u wada arag.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment