Haddi Aan Ku Qiyaanay Calafka Ayaa Wax Walba Ka Weyn, Taasina Aniga Maahan (Qiso Cajiib Ah )

Bulsha:-  Hadii aan Ku Qiyaanay Calafka ayaa Wax Waliba Ka wayn taasina ma’ahan aniga (qiso cajiib ah),,,

Idiris oo ah Wiil SoomaalI AH oo ku nool Dalka Greece ee qaarada yurub ayaa qeyb ka galaya Xasuus qorka Jaceylka kaasoo dhawaac halis ahi kasoo gaaray Arimo la xariir Jaceylkiisa macaanka badan

Dhibanahan oo aysan suurta gal uno noqon xariir rasmi ah la sameysno ayaa ilo ku dhaw dhaw waxa ay noo xaqiijiyeen inuu si daran ujeclaa Gabadh Soomaaliyeed oo iyadu ku nooleed Dalka Norwey , Mr. Idiris ayaa xariirkiisa soo bilaabay Sanadii 2007 isagoo Joogay Magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia


Mudo dheer kadib waxay gabadhani kuwada xadhiidhi jireen aalada Internetka “MSN” Email.. marxalado kala duwan oo uu soo maray idiris waxaa ay wada balameen gabadhi oo Sanadii 2009kii Nolol ka bilaawday barta ay hadda joogto kuna balameen ineey nolosha wada qaadan doonaan haddii ilaahay isku keeno

Ugu danbeyn Idiris waxaa ku adkaatay sidii uu ku tagi lahaa barta ay ku nooshahay Maadaama gabadhu aysan heysan Dhaqaalo ku filan Reerkeeda & Isagaba waxaana lagu balamay in haddii uu yimaad dal kamid ah Qaarada yurub ay sahal u noqon doono midoowgooda.

Dhamaadkii Sanadkii 2011 waxa uu Idiris kasoo baxay south Africa isagoo wadamo badan oo Asia ah tahriib kusoo maray si uu mar uun u yimaad Turkey oo uu uga sii gudbay Greece , Balse Nasiib daro Idiris oo nolosha uu rabay usoo carfeeyso ayaa mar qura jawigu is badalay.

Waxa uu Habeen habeenada kamid ah ku arkay Facebook-giisa Sawirka Wiil ay saaxiibo ahaayeen oo si lama filaan ah usoo wada galeen Lamaantiisii , kuwaasoo qaab Nin iyo Naagtiisa camal ah usawiran.

Si huleel ah ayuu Taleefanadooda uwacay see wax ka jawaabaya malahan habeenkii oo idin hurdo way ka imaan.
LASOCO QAYBTA LABAAD








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment