Bulsha:- Ra’iisal Wasaarihii ugu horeeyey oo xukuma wadan Yurub ah ayaa waxaa la sheegay inuu markii ugu horeysay uu guursaday oo uu la aqal galay nin kale arintaas oo dad badan oo ka mid ah dadka aduunka ay ku noqotey yaab iyo amakaag.
Ra’iisal Wasaaraha dalka Luxembourg ninka lagu magacaabo Xavier Bettel ayaa waxaa la sheegay inuu noqday ra’iisal wasaarihii ugu horeeyey ee ka tirsan wadamada Midowga reer Yurub oo si rasmi ah u guursaday ama ula aqal galay nin kale ka dib markii uu dhawaantaan uu guursaday nin lagu magacaabo Gauthier Destenay oo ah nin ay mudo sanooyin ah ay wada socdeen oo ayna saaxiibo ahaayeen islamarkaana ay wada noolaayeen, Raysal Wasaaraha dalkaas Luxembourg ninka lagu magacaabo Xavier Bettel oo talada dalkaas haayey mudo hal sano iyo bar ah ayaa asaga oo ka faa’iideysanaayo sharci ay sanadkii hore meel mariyeen baarlamaanka dalkaas islamarkaaana dhaqan galayaayey horaanta sanadkaan sharcigaas oo ahaa inay is guursan karaan laba qofood oo isku Jinsi ah ayaa waxaa uu guursaday ninkaan ay mudada wada noolaayeen.
Ugu dambeyntiina iyadoo ra’iisal wasaaraha dalka Luxembourg Xavier Bettel uu guursaday ninkaas ayaa waxaa uu sheegay inuu si aad iyo aad ah uu ugu faraxsan yahay guurkiisa, Munaasabadaas oo ay ka soo qeyb galeen madax ka kala socotey dalalka aduunka gaar ahaan wadamada reer Yurub ayaa ugu hambalyeeyey ninkaasi guurkiisa uu la aqal galay ninkaas kale, Iyadoo arintaan ay tahay markii ugu horeysay oo uu nin raysal wasaare ka ah wadamada Midowga reer Yurub uu guursado nin kale ayaa waxaa horey arintaan oo kale u sameeyey sanadkii 2010 haweeney lagu magacaabo Johanna Sigurdardottir taas oo ka ahayd raysal wasaare dalkaas Iceland ka dib markii ay guursatey haweeney kale oo lagu magacaabo Jonina Leosdottir.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment