Caafimaad :- 7 Astaan Oo Lagu Garto Uurka Bilowga Ah

Bulsha:- Caadada oo istaagta: Calaamooyinka lagu garto uurka bilawga ah tan ugu caansan, uguna saxsani waxa weeye caadada oo joogsata. Waxaa marmar dhif ah dhacda in dumarka qaar ay dhowr jeer caadadu ka timaado inta ay uurka leeyihiin, ha yeeshee sida caadiga ah caadadu waa ay istaagtaa kolka uurku billowdo.

–Ilma-galeenka oo ballaarta: Mar kasta oo uurjiifku sii weynaadaba ilma-galeenku waa uu sii ballaartaa, dhakhtarkuna qalabkiisa gaarka ah ayuu arrintaasi kula socdaa, ha yeeshee haweeneyda uurka lihi ma dareento inta uu ilma-galeenkeedu weynaanayo.

-Matagga subaxdii: Matagga subaxdii ay haweeneydu matagto waa calaamad kale oo lagu garan karo uurka.

-Ibaha naasaha oo midabbaysta: Ibaha naasuhu bilaha dambe ee uurka waxay yeeshaan midab aad u madoow.


-Caloosha oo buurata:Dumarka kuwooda khibradda yari waxay u qaataan in usbuuca horeba caloosha buurani ay uur sheegayso, mana garanayaan in aan uurjiifka caloosha laga dul garan karin ilaa laga gaaro bisha shanaad.

-Dhaqdhaqaaqa uurjiifka:- Dareeraha lagu magacaabo (Aminotic) ayuu uurjiifku u dhex dabaashaa sidii rah berkad biyo ah ku dabaalanaya oo kale.

-Wallaca iyo degganaan la’aanta: Waxaan shaki ku jirin in isbeddellada ku dhaca dhiiggu ay reebaan degganaan la’aan maskaxeed iyo mid nafsiyadeed intaba, arrinkaasi oo haweenka intooda badani u fasirtaan inuu yahay uur bilawgiis.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment