Bulsha:- Jilaaga Bollywoodka ee Shahid Kapoor, ayaa qiray in gacalisadiisi hore ee Bebo Kapoor ey tahay qofta ugu wanaagsan filimkooda cusub ee “Udta Punjab”, kaas oo lasii dey doono sanadka 2016.
Sida lagu baahiyay wargeyska “DNA India” 34-sano jirkaan ayaa yiri “ waa iska cadahay in Kareena ey tahay shayga ugu wanaagsan filimkaan, waxaana rumeysanahay iney tahay cunsurka noogu fiican.
Qisada filimkaan ayaa ka hadleysa tuugada iyo ganacsata muqaadaraadka ee gobalka Punjab.
Filimka waxaa atoore ka ah Shahid Kapoor, halka atariisho ey tahay Bebo Kapoor, waxaana kula jirta gabadha da’da yare ee Alia Bhatt, soo saare waxaa ka ah filimkan Abhishek Chaubey.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment