Atariishada Amy Jackson oo guri cusub ka gadatay magaalada Mumbai

Bulsha:-  Kaddib markii ay atariishada Amy Jackson keentay filimka Singh Is Bling ayaa waxa ay guri cusub ka iibsatay magaalada Mumbai ee dalka India.

Atariishadan British-ka ah ee Amy Jackson ayaa xirfaddeeda filimada waxa ay ka soo bilowday filimada Tamil-ka ah, waxaana hadda ay xoogga saaraysaa Bollywood-ka, iyadoo sidaas oo kale guri kale ku leh magaalada Chennai.

Iyadoo arrintan ka hadlaysay ayaa waxa ay sheegay Amy Jackson: “Waxaan guri cusub ka iibsaday Bandra oo ka tirsan magaalada Mumbai, xaqiiqdii Jimcihii ayaan u soo guuray.”

Sidoo kale mar ay ka hadlaysay sababta ku kaliftay inay guri cusub ka gadato magaalada Mumbia ayay tiri: “Waxaan u baahanahay inaan xoojiyo howlahayga filimada, sidaas darteed marka aan joogo Mumbai iyo Chennai oo waxaan u baahanahay guri aan waqti ku qaato.”


Mumbai iyo Chennai waxa ay ka mid yihiin magaalooyinka inta badan filimada lagu sameeyo, waxaana atariishadan Amy Jackson filimkeedii ugu dambeeyey oo ay keento ahaa filimka Singh Is Bling oo ay la wado Akshay Kumar.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment