Aqriso: Sababaha Ragga Ku Kallifa In Ay Xaaskooda Laguursadaan Naago Kale.

Bulsha:- Sababaha ragga ku kallifa inay la guursadaan xaaskooda iyadoo aysan jirin duruuf ku kallifaysa waxaa ka mid ah:

1- Raggu waa indho-ku-caasha oo hadday gabadh qurux badan arkaan way damcaan. Quruxdu waa shayga koowaad ee ragga soo jiita marka u horreysa. Marka inuu quruxdaas la dhaco oo uu guursado way dhacdaa.

2- Hadduu dhaqaale fiican Ilaahay siiyana sida badan wuu la guursadaa.

3- Hadduu rabo inuu dhalo carruur badan, isagoo carruur iyo xaas wanaagsan haysta way dhacdaa inuu la guursado.

4- In lagu sharfo gabadh oo la siiyo, taasoo uusan maya dhihi karin.

5- In walaalkii dhinto oo uu ku qasbanaado inuu dumaalo, isagoo fiiriniya maslaxda carruurta.

6-In gabadhi jeclaato sidey doonto ha ku jeclaatee (maal, cilmi qurux iwm) oo ay daba dhigato illaa uu oggolaado inuu guursado, taasoo ragga badankii u nugul yihiin.

7- Inuu qudba siro, si sahlan ugu guursado oo uu isleeyahay ku meel gaadh.

8- Inuu safar badan yahay oo uu is yidhaahdo meelaha uu safarkiisu u badan yahay guri deegaan ah ka sameyso.

9- Inuu gabadh diin leh arko oo uu saas ku jeclaado guursadana.

10- In gabadhu maal leedahay oo uu maalkaas damac kaga jiro oo uu saas ku guursado.

Laga yaabo iney jireen sababo kale, laakiin intaasaan kaaga sheegi karaa.

Haddaan ku daro duruufaha ku kallifa ama ku qasba inuu la guursado xaaskiisa:

1- Iyadoo aysan carruur dhaleynin xaaskiisu.

2- Xanuun ama jirro qaadata wakhti dheer.

3- Haddey tahay naag aad dhib badan oo uusan u adkaysan karin.

4- Naag ka soo bixi weyda maamulka gurigeeda iyo carruurteeda.

5- Ineysan ku fiicneyn sariirta oo uusan ku qanacsaneyn.

6- Iney kala fogaadaan, sida iyagoo 2 waddan ama 2 qaaradood ku kala nool.

7- Inuu gabadh si sharci darro ah ku uureeyo, ayna qasab ku noqoto inuu guursado.

Wacan, intaasaan hadda xusuustaa, waysi jiri karaan sababo kale ee ciddii ku dari karta ha noogu darto.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment