Bulsha:- Xiddiga Aditya Roy Kapur ayaa bisha danbe ee March bilaabaya duubista filimkiisa cusub ee Ok Janu, kaasoo atariisho ay ka tahay Shradha Kapoor oo ay ku jili doonaan jaceyl waali ah.
Actor 30-sano jirka ah, oo haatan ku mashquul kor u qaadida filimkiisa cusub “Fitoor” oo la jileyso atariishada aan dhicin ee Katrina Kaif, wuxuu mar kale ku faraxsan yahay inuu bilaabo mashruuca filimkiisa kale ee OK Janu oo ay mar kale kula midoobeyso Shradha Kapoor oo 6 April 2013 ay isla wadeen filimkii xiisaha lahaa ee “Aashiqui 2”.
“Waxaan bilaabi doonto ka shaqeynta filimka cusub ee “Ok Janu” bisha soo socoto, waxaana ugu mahad celinayaa directarka filimka Shaad Ali iyo Shradha Kapoor oo ila wadi doonto” ayuu yiri Aditya Roy Kapoor.
Filimkaan ayaa qisadisa noqon noqon doontaa labo lamaane oo jaceyl xoogan uu ka dhaxeeyo, kana hadlaya sidii looga guuleysan lahaa in jaceylkaasi uu mira dhalo, iyadoo ay caqabado badan la kulmi doonaan.
Xiddigaan mudooyinkaan kacsan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay mustaqbalkiisa Bollywoodka, isagoo sheegay in uu doonayo inuu sameeyo filimo badan mudo labo sano ah oo xiriir ah.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment