Bulsha:- hanti jacayl, haddii ruuxa uu bakhayl yahay oo uuna rabin inuu keeno waxa loo baahan yahay ee guriga ku saabsan, middaas waxay soo dedejin kartaa dalaaqa
2- qaabka carruurta loo tarbiyeeyo taasna waxa keeni kartaa khilaaf soo dhexgali kara laba isqaba
3- galmada oo si fiican looga dhergin, haddii uuna ka dhergeynin ruux ka mid ah laba isqaba waxaa laga yaabaa inay arrintaas keento nacayb iyo kala tag
4- shaqada guriga, dadka qaarkii waxay rabaan in la isla qabto shaqada guriga, haddii midkooda ka soo bixi waayo shaqadaas waxaa laga yaabaa in la kalatago siiba dadka ku nool yurubta.
5- kalama maqnaansho daran oo keeni kara in labada ruux ay is illaawaan ama safar dheer ama la sheekaysi la’aan.
6- saaxiib xun, haddii midkooda uu leeyahay saaxib xun kan kalena uuna rabin taas waxay keeni kartaa kala tag
7- haddii midkooda uu leeyahay dhaqan xun kan kalena uuna ka helin sida qayilaada oo kale.
8- qaraabo xun, marmar waxaa guriga dumiya ninka dadkiisa ama naagta dadkeeda
9- rajo aan dhab ahayn il iska dhaadhiciyo in lacag farabadan la helayo ama guri fiican lagu noolaanayo wixiina aan la helin, inta badan waxay dhacdaa marka la is shukaansanayo
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment